Heemaal News Network

Ciidamo Ruush Ah Oo Ka Dagay Galbeedka Afrika Kadib Markii Reer Galbeedka Lag Eryey

Cutubyo ka tirsan militariga Ruushka ayaa u duulay caasimadda Burkina Faso ee Ouagadougou, taasoo u muuqata tii ugu horreysay oo ciidamo Ruush ah loo diro waddanka ku yaal galbeedka Afrika.

Askar ka kooban 100 askari ayaa u duulay Burkina Faso si ay u “xaqiijiyaan ammaanka hoggaamiyaha dalkaas Ibrahim Traore iyo dadka Burkinabe”. 200 oo kale ayaa la diri doonaa mustaqbalka dhow, sida laga helay xog ay faafiyeeyn ilo xog ogaal ahi.

Wasaaradda Difaaca Ruushka kama aysan jawaabin codsi loo diray oo ahaa in faahfaahin ka bixiso arintan.

Sawirro la soo dhigtay Telegram oo ay daabacday African Initiative, oo ah wakaaladda wararka ee Ruushka u janjeerta ee Kremlin-ka, isla markaana ka faalloota arrimaha Afrika, ayaa muujinaya  ciidamada oo qalab ka soo dejinaya diyaarad sitay calanka Ruushka.

African Initiative ayaa sheegtay in sawiradu ay muujinayeen imaanshaha Ouagadougou ee 100-ka askari ee Ruushka ah, kuwaas oo ay sheegtay in ay sidoo kale tababari doonaan dhigooda Burkina Faso, ayna gacan ka geysan doonaan ilaalinta goobaha khatarta ah.

Xidhiidhka dalka ay hogaaminayaan ciidamada militariga ee Moscow ayaa soo ifbaxaya tan iyo markii ay ka saareen ciidamada Faransiiska horraantii 2023-kii, taasoo sii hurinaysa in la sii xoojin doono xiriirka ammaan ee Ruushka sida dalka deriska la ah ee Mali, halkaas oo calooshood u shaqeystayaal Ruush ah oo Wagner ah ay ka howlgalaan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ciidanka Itoobiya Oo Maanta Iskaga Baxay Dhamaan Farisimo ay ku Lahayen Magaalada Kismaayo.

Heemaal

Ruushka Oo Gantaallo ku Garaacay Meel u dhow” R/wasaraha Giriigga iyo Zelenesky

Heemaaln

Caalamka Oo Sugaya Maanta Go’aanka ICJ Ee Xasuuqa Yuhuudu Ka Wado Israel

Heemaal