Heemaal News Network

Miyuu Ka Tegayaa Old Trafford?

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lala xidhiidhinayaa xiddiga reer France ee Karim Benzema oo la rumaysan yahay inuu amaah kaga tegayo kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Ittihad oo uu lix bilood oo kaliya u ciyaaray, taas oo uu kala kulmay culaysyo badan.

36 jirkan ayaa naadiyada lala xidhiidhinayo ay ugu cadcad yihiin Manchester United iyo Chelsea oo labadooduba ku jira xilli-ciyaareed adag, waxaana Red Devils oo kaliya haysata Rasmus Hojlund weeraryahan dhexe oo dabiici ah, ay u dhibaatoonaysaa dhaliye kale oo dabiici ah maadaama uu sidoo kale ka dhaawacmay Anthony Martial.

Rasmus Hojlund oo xagaagii ay Manchester United kusoo iibsatay £86 milyan oo Gini, wali lama aanu qabsanin horyaalka Premier League waxaanu kaliya ka dhaliyey laba gool, halka Marcus Rashford oo garabka bidix ahna uu ku jiro waqti adag iyo abaar goolal la’aan ah.

Karim Benzema ayaa noqday xiddiga lagula talinayo Manchester United, waana nooca ciyaartoy ee caawinaya ciyaartoyda waqtigu ku adag yahay marka la eego qaab-ciyaareedkiisa, laakiin United ayaa la sheegay in ay go’aansatay in aanay la saxeexanin Benzema.

Sababta ayaa lagu sheegay in mushaharkiisu uu aad u badan yahay, kooxduna qarka u saaran tahay inay jabiso sharciga dhaqaalaha sidaas daraadeedna ay go’aansadeen in aanay u dhaqaaqin Karim Benzema.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ciyaaryahan Caan ah Oo Lagu Dilay Johannesburg Markii Uu Diiday in la Afduubto

Heemaaln

Pep Guardiola : United Waydii In Aan Nahay Koox Adag. “Rikoodh Cusub”

Heemaal

Ghana Iyo England Oo Isku Haysta Xulka Qaranka Uu U Cayaaraayo Mainoo

Heemaal