Heemaal News Network

Ghana Iyo England Oo Isku Haysta Xulka Qaranka Uu U Cayaaraayo Mainoo

Xiriirka kubada cagta Ghana ayaa isku dayaya inay ka dhaadhiciyaan da’ yarka Manchester United u soo baxay Kobbie Mainoo inuu iska diido ku biirista xulka Ingariiska oo uu iyaga u ciyaaro.

Mainoo ayaa Ingariiska ku matalay xulalka da’ yarta laakiin weli uma uusan safanin xulka qaranka ee England.

18 jirkaan wuxuu sidoo kale u ciyaari karaa xulka Ghana oo ah wadan ay waalidkiis ka soo jeedaan.

Waxa uu si joogta ah u booqdaa wadankiisa hooyo markasta uu fasax yahay, haatana xiriirka kubada cagta Ghana ayaa doonaya inuu laacibkaan matalo xulka Black Stars.

Randy Abbey oo ka mid ah guddiga fulinta xiriirka kubada cagta Ghana ayaa u sheegay wargeyska The Times: “XGhana waxay xiiseneysaa oo ay isha la raaceysaa dhamaan xididgaha tayada leh ee xulka u ciyaari kara ee ka tirsan qaramada kale.

“Kobbie waxa uu ka mid ah kuwaas, waana xiddig tayo aad u fiican leh, xiriirka wuxuu jeclaan lahaa inuu la shaqeeyo isaga.”

Tababaraha xulka England Gareth Southgate ayaa lagu waramayaa inuu qorsheynayay inuu wadahadalo la yeesho Mainoo dhamaadka sannadkii tagay.

Southgate ayaa si weyn u doonaya in da’ yarkaan uu waayihiisa ciyaaraha caalamiga u hibeeyo xulka Three Lions.

Mainoo ayaa ka soo dhex muuqday kooxda koowaad ee Manchester United bishii November.

Kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ee uu ku soo bilowdo wuxuu garoonka Goodison Park kula ciyaaray Everton.

Xiddiga khadka dhexe ayaa tan iyo markaas wuxuu 15 kulan u saftay kooxda tababare Erik ten Hag tartamada oo dhan.

Mainoo ayaa dhaliyay goolka guusha kulankii ay United ka badisay Wolves habeenkii Khamiista.

Iyadoo natiijada ciyaarta ay mareyso 3-3, wuxuu kubada la garab maray seddex ciyaaryahan ka hor inta uusan shabaqa cusjinin isagoo ka caawiyay in United ay 4-3 ku badiso.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ciyaaryahan Caan ah Ee Robinho Oo Lagu Riday Xukun Adag Oo Xabsi ah iyo Dambiga Lagu Helay

Heemaaln

Karim Benzema Iyo Kooxda Al-itihad Oo Madaxa Iskula Jira

Heemaal

Miyuu Ka Tegayaa Old Trafford?

Heemaal