Heemaal News Network

Karim Benzema Iyo Kooxda Al-itihad Oo Madaxa Iskula Jira

Karim Benzema ayaa si carro leh uga baxay tababarkii kooxda Al-Ittihad maalintii Isniinta taasoo keentay in laga saaro gabi ahaanba kooxdii caawa la ciyaartay kooxda Al-Tai ee horyaalka Sacuudiga.

Tababare Marcelo Gallardo ayaa ku amray Benzema inuu si gooni ah tababar u qaato laakiin weeraryahanka ayaa diiday amarka tababarkiisa, wuxuuna isaga tagay garoonka tababarka sida ay sheegtay jariirada Marca.

Talaadadii Benzema ayaa lagu sawiray xarunta tababarka laakiin waxa uu la joogay kaliya ciyaartoyda dhaawaca ah.

Xiriirka u dhaxeeya Benzema iyo kooxda ayaa xumaaday ka dib markii uu 17 maalmood ka soo daahay inuu ka soo laabto fasax la siiyay taasoo aad uga careysiisay maamulka kooxda.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in kooxda ay xitaa taleefan ku heli weysay muddo 10 maalmood ah isagoo dalxiis ku joogay jasiirada Mauritius, inkastoo markii hore la sheegay inuu halkaas go’doon ku noqday sababo la xiriira dufaano dhacay.

Waxaa ka dib laga saaray tababarka kooxda ka dib markii uu ku guuldareystay inuu soo jiito tababare Gallardo.

Benzema ayaa wadahadalo muhiim ah la yeeshay madaxda kooxda bilowgii bishaan ka dib markii uu ku guuldareystay inuu baxo bishii Janaayo.

36 jirkaan u soo ciyaaray Real Madrid oo sannadkii qaata 86 milyan ginni ayaa lala xiriiriyay kooxaha Premier League ee Manchester United iyo Chelsea.

Waxaa sidoo kale lala xiriiriyay kooxdiisa hore ee Lyon laakiin Benzema ayaa u muuqda mid ka boorso qaadanaya Sacuudiga waqti dhow.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Taageerayaasha Messi Oo Dalbanaya Magdhaw Ciyaar La’aantii Hong Kong

Heemaaln

Galmudug Oo Markii Ugu Horeysay Qaaday Koobka Kubada Cagta Ee M/Goboleyada

Heemaaln

Cayaartooy Garoonka Ku Jira Oo Danab Dilay

Heemaal