Heemaal News Network

Taageerayaasha Messi Oo Dalbanaya Magdhaw Ciyaar La’aantii Hong Kong

Maqnaanshahii Messi ee ciyaartii bishii Febraayo, taasoo sabab u ahayd in uu dhaawac soo gaaray, taasoo keentay in taageerayaasha shiinuhu ay muddo toddobaadyo ah niyad jabsanaadaan.

Dadka tigidhada haysta ee codsanaya magdhawga ayeey tahay in ay ogolaadaan in aanay qaadin tallaabo sharci ah, ayey sheegeen Tatler Asia.

Lacag celinta waxay ku kici kartaa ilaa HK$56m (£5.6m; $7.1m), sida qoraal lagu sheegay.

Taageerayaashu waxay bixiyeen lacag dhan HK$4,880 midkiiba si ay u daawadaan 36 jirka reer Argentine, laakiin Messi ayaa kursiga kaydka fadhiyay intii ay ciyaartu socotay.

Ilaa 38,000 oo daawadayaal ah oo ku sugnaa garoonka Hong Kong Stadium ayaa ku orriyay Messi waxayna dalbadeen in la lacagta tigidhka dib loogusoo celiyo dhamaadkii ciyaarta.

Messi oo maalmo ka dib ka ciyaaray Japan. Waxa uu sheegay in uu ka xunyahay in uu ka ciyaari waayay Hong Kong sababo la xirira dhaawac muruqa ah oo xanuun iyo barar uu ka hayey.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Live Ciyaarta Finalka Ee Galmudug Vs Hirshabeele

Heemaaln

Koox kubada Cagta ah Oo ka Timid Ingiriiska Oo Lagu soo Dhaweeyay Magaalada Hargeysa.

Heemaaln

UEFA Oo Ka Ganaaxaysa Man City Tartanka Champions League

Heemaal