Heemaal News Network

UEFA Oo Ka Ganaaxaysa Man City Tartanka Champions League

Xidhiidhka kubadd Cagta Yurub ee UEFA ayaa ganaax kusoo rogaya Manchester City, waxaana loo diidi doonaa inay kasoo qayb-gasho tartanka Champions League, xataa haddii ay kusoo guuleysato horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.

Manchester City oo ay ku socdaan baadhitaanno la xidhiidha inay jabisay sharciga dhaqaalaha, isla markaana dhowaan uu Premier League go’aamiyey waqtiga lagu dhaqaaqayo go’aanka kama dambaysta ah ee xukunka lagu ridayo, ayaa waxa ka horreysay in UEFA ay laba sannadood ka hor ka mamnuucday inay kasoo qayb-gasho Champions League laakiin maxkamadda ciyaaraha ee CAS ayaa burisay ganaaxa UEFA.

Pep Guardiola oo ay kooxdiisu xilli-ciyaareedkii hore isku darsatay FA Cup, Premier League iyo Champions League, ayaa waxa haddana ay ku jiraan kaalinta labaad ee Premier League, iyadoo ay dib ugu soo laabteen Kevin De Bruyne iyo Erling Haaland oo dhaawacyo kaga maqnaa.
Premier League ayaa go’aanka uu soo saarayo, waxa laga filayaa inuu noqon doono in dhibco laga jaro Man City oo lagu eedeeyey inay 115 jeer jabisay sharciga dhaqaalaha, isla markaana muddo 15 sannadood ah ay si ku-celcelis ah ugu tumanaysay sharciga.

Si kastaba, UEFA go’aankeeda kuma xidhayso midka Premier League, hase yeeshee waxay u adeegsan doonaan sharciga xidhiidhka u yaalla ee mamnuucaya in laba kooxood oo uu hal qof ama hal shirkad wada leeyahay ay kasoo qayb-gasho tartanka Champions League.

Mulkiileyaasha reer Abu Dhabi ee City Group ee iska leh Manchester City ayaa waxay sidoo kale yihiin mulkiileyaasha kooxda hoggaaminaysa horyaalka LaLiga ee Girona, taas oo ay 11 dhibcood ka horreysa kooxda kaalinta saddexaad ku jirta oo ah Atletico Madrid iyo Barcelona oo isku dhibco ah, waxaanay u badan tahay in aanay cidina ka riixi karin inay ka mid noqoto afarta kooxood ee ugu sarrayn doona horyaalka LaLiga xilli-ciyaareedkan.

Haddii Girona ay ku guuleysato horyaalka LaLiga ama ay labaad ku dhamaysato, sidoo kalena ay Manchester City gasho kaalinta saddexaad ama afraad ee horyaalka Premier League, waxa kooxda tababare Pep Guardiola loo diidi doonaa inay kasoo qayb-gasho Champions League.

Sharciga UEFA ayaa dhigaya, in haddii laba kooxood oo hal shirkad ama hal qof uu wada leeyahay ay usoo wada gudbaan tartanka Champions League iyagoo laba horyaal ka kala socda, waxa loo ogolaanayaa inay Champions League kasoo qayb-gasho kooxda sarraysa darajo ahaan halka ay kaga dhamaysato horyaalka dalkeeda, waxaana hadda horreysa Girona oo hoggaaminaysa LaLiga.

Waxa uu sharcigu intaa ku darayaa, in haddii labada kooxood ay isku hal boos ku dhamaystaan (tusaale ahaan inay labaduba kusoo guuleystaan horyaallada dalalkooda), in loo eegayo qiimaynta UEFA ee kooxaha Yurub, taas oo haddii ay dhacdo Man City ay kusoo gudbi doonto.

Laacib

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Cismaan Iskood Oo ka mid ahaa Ciyaartoydii Kubadda Cagta Oo Salaadda Janaasada Lagula Tukaday

Heemaaln

Tartanka Qaramada Afrika Oo Laga Sifeeyey Wadamada Bariga Afrika

Heemaal

Live Ciyaarta Finalka Ee Galmudug Vs Hirshabeele

Heemaaln