Heemaal News Network

Pep Guardiola : United Waydii In Aan Nahay Koox Adag. “Rikoodh Cusub”

Kooxda kubbada cagta ee Mancity ayaa 3-1 ku dubatay FC Copenhagen lugta hore ee wareega 16ka oo ka dhacday dalka Denmark, taasoo ka dhigeysa inay qarka u saraan yihiin inay xilli ciyaareedkii 7aad oo isku xigta u soo baxaan wareega sideed dhamaadka.

City ayaa haatan badisay sagaal kulan oo isku xigta Champions League, waana kooxda kaliya ee Ingariis ah ee kulamo intaas la eg badisa taariikhda tartanka.

Waxaa rikoodhka koox Ingariis ah horay u hayay Liverpool oo xilli ciyaareedkii 2021-22 badisay todoba kulan oo isku xigta.

City aya au baahan inay badisa lixda kulan ee oo socota ee Champions League si ay u barbareeyaan rikoodhka Bayern Munich ee guulaha isku xigxiga oo gaaraya 15 kulan taasoo ay dhigeen sannadkii 2020.

Ka dib guushoodii Copenhagen, Guardiola ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay guushooda.

“Waan ogahay sida uu kulankaan u adkaa. Dadku waxay aaminsan yihiin inuu yahay kulan sahlan. Orod oo weydii United iyo Bayern Munich. Kooxdaan waa koox adag.” ayuu yiri.

“Si fiican ayaan u ciyaarnay. Shaqadeyda waxay aheyd inaan ciyaartoyda uga digo hab dhaqankooda, inay yeeshaan sabar iyo hal abuuris.

“Qof walba ciyaartiisii ugu fiicneyd ayuu soo bandhigay. Waa natiijo fiican, waxaan rajeynayaa inaan sideed dhamaadka u soo baxno.”

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xulka Kubadda Cagta Ee Galmudug Oo Maanta Lagu soo Dhaweyey Magalada Dhuusamareeb.

Heemaaln

Tababarayaasha Kooxa Premier League Go’aan Cad Ka Qaatay Kaadhka Buluuga

Heemaal

Live Ciyaarta Finalka Ee Galmudug Vs Hirshabeele

Heemaaln