Heemaal News Network

Tababarayaasha Kooxa Premier League Go’aan Cad Ka Qaatay Kaadhka Buluuga

Tababaraha Tottenham Ange Postecoglou ayaa hogaaminaya tababarayaasha Premier League ee sida weyn uga soo horjeestay kaadhka cusub ee buluuga ah ee la doonayo in kubada cagta lagu soo kordhiyo, isagoo sheegay in kaadhkaan uu burburin doono kubada cagta.

Macalinka Spurs ayaa dhaleeceeyay fekrada ah in ciyaartoyda 10 daqiiqo ciyaarta laga saaro halka tababaraha Liverpool Jurgen Klopp uu sheegay in sharcigaan uu kaliya sii kordhinayo qaladaadka garsoorayaasha.

Ilow ku dhow ururka dejiya sharciga kubada cagta ee IFAB ayaa sheegay in 2da bisha March la go’aansan doono in la tijaabiyo dhaqangelinta kaadhka buluug ah oo u dhaxeyn doona kaadhka digniinta ee hurdiga iyo midka casaanka ah.

Postecoglou ayaa ku dooday in VAR ay haatan dhibaato ku heyso kubada cagta islamarkaana sharci cusub kale oo la soo kordhiyo inuu burburin doono kubada cagta islamarkaana ay taageerayaasha nici doonaan. Waxa uu sheegay in koox ay 10 ciyaaryahan ku ciyaarto muddo 10 daqiiqo ah inay wiiqi doonto ciyaarta iyadoo hal koox ay waqti dhumis sameyn doonto ilaa iyo uu ciyaaryahanka uga soo laabto.

Tababaraha Chelsea Mauricio Pochettini ayaa isna ku raacay tababaraha Tottenham isagoo sheegay in kaadhka buluuga ah uu burburin doonta ciyaarta quruxda badan ee kubada cagta.

Tababaraha Liverpool Klopp ayaa ku baaqay in la fududeeyo sharciyada garsoorka isagoo soo jeediyay in kaadh cusub oo la soo kordhiyo inay xaalada sii xumeyn doonto. Waxa uu sheegay in kaadhadh dheeri ah ay sii adkeyn doonto shaqada garsooraha.

Macalinka Newcastle Eddie Howe iyo tababaraha West Ham David Moyes ayaa iyagana dhaleeceeyay kaadhka buluug ah, iyadoo Howe uu sheegay in kaadhka jaalaha ah uu ku filan yahay wax walba, halka Moyes uu soo jeediyay in ururka IFAB uu sii adkeynayo kubada cagta. Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa isna ku baaqay in si buuxda loo tijaabiyo sharcigaan cusub ka hor inta aan laga dhaqangelinin heerarka ugu sareeya kubada cagta.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Pep Guardiola : United Waydii In Aan Nahay Koox Adag. “Rikoodh Cusub”

Heemaal

Sababta Aanay Chelsea U Eryi Karaynin Tababare Mauricio Pochettino Oo La Shaaciyey

Heemaal

City iyo Arsenal Oo Helay War Ka Farxiyey Oo Ah In 4 cayaaroy Dhaawacmeen

Heemaal