Heemaal News Network

Sababta Aanay Chelsea U Eryi Karaynin Tababare Mauricio Pochettino Oo La Shaaciyey

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la sheegay in aanay eryi karaynin tababaraheeda Mauricio Pochettino waqtigan, isla markaana ay ku qasban yihiin in ay sugaan ilaa dhamaadka xilli-ciyaareedka ama inta uu qandaraaskiisu dhamaanayo.

Macallinka reer Argentina ayaa uu cadaadis badan fuulay markii ay Wolves 4-2 ku garaacday Axaddii iyagoo marti ugu ahaa Stamford Bridge, ayaa la wariyey in Jose Mourinho uu ku jiro dadka ugu cadcad ee beddelkiisa ay Blues u kala dooranayso.

Pochettino oo xagaagii yimid London, ayaa illaa hadda awoodi la’ in uu wax ku soo kordhiyo kooxda iyadoo hal buundo oo kaliya ka sarraysa kaalintii ay xilli-ciyaareedkii hore ku dhamaysatay horyaalka ee 12aad, waxaanay hadda ku jiraan 11aad iyagoo 23 ciyaarood dheelay horyaalka.

Todd Boehly iyo Behdad Eghbali ayaa la sheegay in ay eryaan Mauricio Pochettino, isla markaana ay beddelkiisa raadiyaan, laakiin waxa ay dhibaatada haysataa tahay inay ka baqayaan inay ku dhacaan sharciga dhaqaalaha ee FFP.

Pochettino ayaa haddii la eryo waxa uu ka doonayaa Chelsea inay siiso mushaharkii uu qaadan lahaa 18 bilood oo ka hadhsan qandaraaskiisa Stamford Bridge, taas oo noqonaysa £10 milyan oo Gini.

Blues ayaa waxa ay haddaba halis ugu jirtaa in ay ku dhacdo sharciga dhaqaalaha, waxaana ku socda baadhitaanno la filayo in go’aankoodu dhawaan soo baxo, waxaase iyaduna arrin adag ah in ay sii haystaan Pochettino haddii ay natiijooyinku isbeddeli waayaan.

Xigasho Laacib

 

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ivory Coast Oo Ku Guuleystay Koobka Qaramada Afrika

Heemaal

Ninkii Xoog ku Dhunkaday Gabar Ciyaartoy ah Oo Xabsi la Dhigayo

Heemaaln

Galmudug Oo Markii Ugu Horeysay Qaaday Koobka Kubada Cagta Ee M/Goboleyada

Heemaaln