Heemaal News Network

Ivory Coast Oo Ku Guuleystay Koobka Qaramada Afrika

Xulka qaranka Ivory Coast ayaa ku guuleystay Koobka Qaramada Afrika oo ay finalkii ku garaaceen Nigeria, waxaana guushooda go’aamiyey gool uu waqti dambe u dhaliyey Sebastien Haller.

Ivory Coast oo lagu qabtay tartankan ayaa ku guuleystay Koobka oo ay 2-1 ku garaaceen Nigeria oo waliba goolka kala hormartay, waxaana labada gool ee Ivory Coast ay yimaaddeen qaybta labaad ee ciyaarta.

Haller oo 13 bilood ka hor dhaliyey saddexlay isaga oo kasoo bogsaday xanuunka Kansarka oo ku dhacay, ayaa goolka ku leexiyey kubbad uu Simon Adingra ka keenay dhinaca iyadoo sagaal daqiiqadood ka hadhsan yihiin waqtiga dhamaadka.

Magaalada Abidjan ee caasimadda waddanka Ivory Coast ayaa ay dabbaal-degyo is-qabsadeen, halka William Troost-Ekong oo goolka madiga ah u dhaliyey Nigeria qaybta hore uu murugo la fadhiistay garoonka dhaxdiisa.
Franck Kessie ayaa keentay goolka barbarraha ee Ivory Coast daqiiqaddii 62aad, iyadoo isaguna uu kubbad ka helay Andingra oo kubadda u geeyey isaga oo meel koorne oo cidlo ah jooga, isla markaana ku leexiyey birta.

Ivory Coast oo wareeggii Group-yada ku hadhay laakiin ka mid noqotay afar dal oo ugu dhibco badnaa xulalka kaalmaha saddexaad galay ee ka hadhay tartanka ee lasoo dallacsiiyey si ay u buuxiyaan tirada wareeggii 16ka, ayaa waxa ay waqtigaas eriday tababare Jean-Louis Gasset oo ay galaafteen laba guul-darro, balse Emerse Fae oo ku-xigeen u ahaa oo si ku-meelgaadh ah loogu dhiibay ayaa noqday khabiirka guusha ku hoggaamiyey waddankiisa.

Xulkan Galbeedka Afrika ayaa laba jeer oo hore kusoo guuleystay Koobka Qaramada Afrika sannadihii 1992kii iyo 2015kii, waxaanay noqdeen dalkii ugu horreeyey ee martigeliye ah ee ku guuleystay tantanka tan iyo sannadkii 2006, waqtigaas oo Masar ay martigeliye ahayd, kuna guuleysatay koobka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Cristiano Ronaldo Oo Dhaawac Soo Gaadhay Dartii Dib Loogu Dhigay Cayaar

Heemaal

Galmudug Oo Markii Ugu Horeysay Qaaday Koobka Kubada Cagta Ee M/Goboleyada

Heemaaln

Real Madrid Ku Bixinayso Mushahar Xad Dhaaf Ah Kylian Mbappé Iyadoon Hiyi-kicinin Ciyaartoyda Kale

Heemaal