Heemaal News Network

Cristiano Ronaldo Oo Dhaawac Soo Gaadhay Dartii Dib Loogu Dhigay Cayaar

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa si qiiro leh uga hadlay dhaawaca soo gaadhay ee sababta u noqday in dib loo dhigo safar ay kooxdiisa Al-Nassr ku tegi lahayd waddanka China, halkaas oo ay kusoo dheeli lahaayeen kulamo saaxiibtinimo.

Cristiano Ronaldo ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in muddo 22 sannadood ah oo uu ciyaarayay kubadda cagta aanu la kulmin dhaawacyo ka xayiray garoomada, haddana uu ku jiro xaalad murugo leh.

“Waxa aan ahay ciyaartoy aan inta badan la kulmin dhaawacyo muddo 22 sannadood ah oo garoomada ku jiray oo aan ciyaarayay, Aad ayaan u murugaysanahay, sababtoo ah waan jecelahay waddankan. Waan jecelahay in aan halkan joogo, waan jecelahay in aan idinla joogo, Waxa aan jecelahay in aan idinka dartiin u ciyaaro. Fadlan ha murugoonina, aniga ayaa murugaysan e.” Ayuu Cristiano Ronaldo ku yidhi qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada.

Dhaawaca Cristiano Ronaldo oo kasoo gaadhay muruqa kubka, ayaa waxa la sheegay in uu u jiifi doono laba illaa saddex toddobaad, waxaana qaban-qaabiyeyaasha ciyaaraha saaxiibtinimo ee China ay go’aamiyeen in dib loo dhigo ciyaarahaas.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Rasmus Hojlund Oo Jabiyey Rikoodh U Yaallay Horyaalka Premier League

Heemaal

Cayaartooy Garoonka Ku Jira Oo Danab Dilay

Heemaal

Pep Guardiola : United Waydii In Aan Nahay Koox Adag. “Rikoodh Cusub”

Heemaal