Heemaal News Network

Rasmus Hojlund Oo Jabiyey Rikoodh U Yaallay Horyaalka Premier League

Weeraryahanka Manchester United ee Rasmus Hojlund ayaa jabiyey rikoodhka gool-dhalinta horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League markii uu laba gool oo degdeg ahaa ka dhaliyey Luton Town oo ay marti u ahaayeen, taas oo ay waqti horeba saddexda dhibcood ka xoogsadeen.

Manchester United ayaa toddoba daqiiqadood markii ay ciyaartu maraysay waxay hoggaanka ku haysay 2-0, iyadoo labada goolba uu dhaliyey Hojlund oo silciyey goolhaye Thomas Kaminski oo uu ku noqday laf duun-gashay.

Qalad uu sameeyey Amari’i Bell ayaa Manchester United ay ku heshay goolka koowaad, iyadoo Rasmus Hojlund uu kubadda ula tegay goolhaye Kaminski oo isaga oo deggen uu dhinaca bidix ugu gooyey, kaddibna lugta bidix ku dhamaystiray ciyaarta oo socota 37 ilbidhiqsi oo kaliya.

21 jirkan ayaa waxa uu goolkiisan ku jabiyey rikoodh dhinaca goolasha ah oo u yaallay horyaalka Premier League, waxaanu noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee lix ciyaarood oo xidhiidh ah goolal ka dhaliya horyaalka Premier League.

Waxa uu hore goolal uga soo dhaliyey Aston Villa, Tottenham, Wolves iyo West Ham, halka si guudna uu siddeeddii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada uu siddeed gool dhaliyey.

Rasmus Hojlund oo ay Manchester United £72 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Atalanta xagaagii, ayaa bilowgii hore ku dhibaatooday horyaalka Premier League, laakiin hadda ayuu muujinayaa inuu u qalmayay qiimahaas iyo kalsoonida ay Man United u muujisay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xamaasad Waali ah Oo ay ku Kaceen Taageerayaasha Reer Burco Ciyaartii Galabta

Heemaaln

Ninkii Xoog ku Dhunkaday Gabar Ciyaartoy ah Oo Xabsi la Dhigayo

Heemaaln

Cismaan Iskood Oo ka mid ahaa Ciyaartoydii Kubadda Cagta Oo Salaadda Janaasada Lagula Tukaday

Heemaaln