Heemaal News Network

Real Madrid Ku Bixinayso Mushahar Xad Dhaaf Ah Kylian Mbappé Iyadoon Hiyi-kicinin Ciyaartoyda Kale

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa maarayn doonta mushaharka badan ee ay siin doonto xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ee la filayo inay xagaaga kala soo wareegaan PSG, iyadoo aan wax qas iyo hiyi-kac ah ku samaynin xiddigaha kale ee Real Madrid.

Kylian Mbappe oo toddobaadkii hore ku wargeliyey kooxdiisa inuu ka tegayo xagaaga, isla markaana soo afjarayo muddo lix sannadood ah oo uu u ciyaarayay PSG ayaa la rumaysan yahay inuu rumayn doono riyadiisii ahayd inuu u ciyaaro Real Madrid oo carruurnimadiisii uu u dhowaaday inuu ku biiro isaga oo Santiago Bernabeu ay kusoo dhoweeyeen ciyaartooyo uu ka mid yahay Cristiano Ronaldo.

Los Blancos ayaa la sheegay in ay isticmaali doonto qaaciido caan ka ah horyaalka Premier League marka ay la saxeexdaan Mbappe, si ay u bixiyaan mushaharkiisa iyo gunnooyinkiisa. Waxa ay lacagta Mbappe ee Real Madrid ay ka bilaabmi doontaa ‘Saxeexa xaqalin-qalinka’ oo lagu qiyaasay illaa 100 milyan oo Euro.

Real Madrid oo la sheegay in muddada shanta sannadood ah ee uu Mbappe u saxeexayo ay siin doonto lacag ka badan 500 milyan oo Euro, ayaa waxa loogu kala jajabin doonaa siyaabo kala duwan, sida in uu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or, inuu ku guuleysto Golden Boot, inuu caawinta ugu badan sameeyo iyo inuu gaadho tirooyin goolasha ah oo la isla sii qaatay.

Waxa kale oo ku jiri doona oo uu lacago ku heli doonaa in kooxdu ay ku guuleysato koobab sida Champions League, horyaalka La Liga iyo kuwo kale.

Arrintan ayaa la sheegay in Real Madrid ay daawo uga tahay inay bixiso mushahar badan oo halmar soo dhacaya, kaas oo ay ka masayri karaan ciyaartoyda kale ee kooxdu isla markaana xasillooni darro ka abuuri karaya qolka labbiska.

Xigasho Laacib

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

UEFA Oo Ka Ganaaxaysa Man City Tartanka Champions League

Heemaal

Gaalkacyo Oo Dabaal-degii Ugu Danbeeyay Ee Kooxda Galmudug Loogu Sameeyay.

Heemaaln

Juergen Klopp Oo Ka Fadhiisnaya Xirfada Iyo Shaqada Kubbda Cagta

Heemaal