Heemaal News Network

City iyo Arsenal Oo Helay War Ka Farxiyey Oo Ah In 4 cayaaroy Dhaawacmeen

Manchester City iyo Arsenal ayaa helay war ka farxiyey oo ka caawinaya inay noqdaan labada kooxood ee ugu cadcad ku guuleysiga horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii uu tababare ku-xigeenka Liverpool uu maanta shaaciyey in afar ciyaartoy oo laf-dhabar u ah naadigiisa ay muddo dheer ka maqnaan doonaan garoomada.

Liverpool ayaa waxa ragaadiyey dhaawacyo inkasta oo ay wali yihiin kooxda hoggaanka haysa oo ay afar dhibcood ka sarreeyaan naadiga kusoo xiga ee Man City. Pep Guardiola iyo Mikel Arteta ayaase farqiga dhibcaha soo yarayn karaya usbuucan haddii ay guulo ka keenaan kulamadooda Bournemouth iyo Newcastle United oo ay la kala ciyaarayaan.

Si kastaba, labadan kooxood ayaa waxa kale oo farxad u noqday hadal kasoo yeedhay tababare ku-xigeenka Liveprool Pep Lijnders oo ahaa in afar ciyaartoy oo muhiim ah ay kooxdiisa ka maqnaan doonaan tan iyo dhamaadka bisha March.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ninkii Xoog ku Dhunkaday Gabar Ciyaartoy ah Oo Xabsi la Dhigayo

Heemaaln

Koox kubada Cagta ah Oo ka Timid Ingiriiska Oo Lagu soo Dhaweeyay Magaalada Hargeysa.

Heemaaln

Ghana Iyo England Oo Isku Haysta Xulka Qaranka Uu U Cayaaraayo Mainoo

Heemaal