Heemaal News Network

Lix Qof Oo U Geeriyootay Shuban Biyood ka Dilaacay Deegaanka Lafo-ceese Ee DDS Itoobiya.

Shuban biyood aayaa ka dilaacay deegaanka Lafo Ciise ee dawwlad deegaanka Somalida Itoobiya, kuwaasoo sadaxdii maalmood ee ugu denbeeyay la daaladhacaya la tacaalida cudurkaasi.

Qaar ka mid ah bulshada deegaanka ayaa xaqiijiyay in 6 qof ay maalintii shalay oo kaliya u geeriyoodeen xanuunkaasi ka dilaacay deegaanka Lafo-ceese, waxayna dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ku eedeeyeen inay dhagaha ka fureysatay baaqa bulshada deegaanka oo maalmahan ka dalbanayay gurmad deg-deg ah.

Ma jiraan wax gurmad ah oo gaaray dadka deegaanka oo la ildaran xanuunka shuban biyoodka, marka laga reebo hayad calami ah oo booqatay goobo dadka uu soo ritay cudurkan lagu dabiibayay iyo urur dhalinyaro ah oo deegaankaasi ka dhisan oo deeq kooban gaarsiiyay dadka deegaankaasi.

Oday Maxamed Cabdilaahi Cali oo ka mid ah dadka deegaanka Lafo-ciise ayaa ugu baaqay hayadaha caalamiga, kuwa maxaliga iyo dawlada deegaanka inay gurmad lasoo gaaraan dadka deegaankan ee xaalada adagi soo wajahday.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Hogaamiye Abu Baqir Al-Saadi

Heemaal

Joe Biden Oo La Kulmay Afrata Xubnood Ee Ugu Sareeya Labbada Gole Ee Maraykanka

Heemaal

Israel Oo si Kulul Uga Carootay Hadal ka soo Yeeray Baaderi ka Tirsan Vaticanka

Heemaaln