Heemaal News Network

Maryakanka Oo Hubkii Ugu Badnaa U Diraya Israel Iyo Dayaaradaha “F-35, F15 Iyo Apache

Maraykanka iyo Israa’iil ayaa soo gabagabeeyay heshiis hub oo ballaaran oo ay ku jiraan sahayda diyaaradaha F-35 iyo F-15 ee Tel Aviv, sida uu sheegay Channel 12 ee Hebrew.

Telefishanka oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca Israa’iil oo heshiiskan ka qayb galay ayaa sheegay in heshiis dhex maray Maraykanka iyo Israa’iil kaas oo ciidamada Israa’iil la siin doono diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo kumanaan rasaas ah maalmaha soo socda.

Sida laga soo xigtay saraakiisha, heshiiska waxaa ka mid ah in ciidamada Israel la siiyo tiro badan oo ah diyaaradaha F-35 iyo F15 iyo sidoo kale helikobtarrada Apache. Saraakiisha ayaa sheegay in heshiiska uu yahay mid aan caadi ahayn iyadoo dagaalka Israa’iil uu weli ka socdo Qaza iyo dagaalka waqooyiga ee ay kula jirto kooxda Xisbullah ee Lubnaan.

Waxay sheegeen in Israa’iil ay ka codsatay Maraykanka mudnaanta saadka, iyadoo la eegayo horumarka dagaalka Gaza. Israa’iil ayaa noqonaysa dalkii ugu horreeyay ee hela diyaarada casriga ah ee F-35 oo ay samaysay Boeing.

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu taageersan yahay Israa’iil tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore. Maraykanku waligii kama celinayo hubaynta Israa’iil, iyada oo aan loo eegin dhaawaca dadka rayidka ah ee Gaza.

Maraykanku waxa uu Israa’iil siiya $3.8 bilyan oo doollar milatari sannadkii tagy. Biden ayaa ka codsaday Congress-ka inay ansixiyaan $14 bilyan oo dheeri ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Falcelinta Go’aanka Maxkamada Caalamka ee Kiiska Falastiin

Heemaal

Israa’iil Oo ku Dhawaaqday Inay Goosaneyso Qayb ka mid ah Danta Galbeed Ee la Haysto

Heemaaln

Israel Oo Weerarkii Ugu Dhimashada Badnaa ka Geysatay Koonfurta Lubnaan.(Sawirro)

Heemaaln