Heemaal News Network

Mareykanka Oo Bilaabay inuu Gargaar Cunto ah Hawada Uga Daadiyo Gaza (Sawirro)

Mareykanka ayaa bilaabay inuu gargaar bini’aadantinimo hawada kaga soo daadiyo Gaza, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Mareykan ah.

Madaxweyne Joe Biden ayaa jimcihii ku dhawaaqay in Maraykanku uu bilaabi gargaarka Gaza looga daadiyo halkaasoo ay ku macluulsan yihiin boqolaal kun oo qof.

Saddex diyaaradood oo nooca C-130 ah ayaa sahay bini’aadantinimo ku daadiyay marinka Gaza Sabtidii, sida uu sheegay sarkaal Maraykan ah.

Gargaarku wuxuu ahaa cunto loo daadiyay dadweynaha Gaza. Ma jirin biyo ama sahay caafimaad oo ku jiray

Dhowr hay’adood oo gargaar ayaa horay u dhaleeceeyay qorshaha Mareykanka ee ah in cuntada gargaarka ah lagu daadiyo Gaza oo ay ku tilmaameen mid aan waxtar lahayn.

Richard Gowan, oo ah agaasimaha kooxda xasaradaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, ayaa baraha bulshada ku sheegay in talaabadan tahay hab xun oo gargaar ku filan aan lagu gaarsiin karin dadka

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in boqolaal kun ay qarka u saaran yihiin macaluul ka jirta deegaankaas.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ruushka Oo ka Hadlay Diidmada Qayaxan Ee Uu Adeegsaday kuna Eedeeyay Maraykanka Munaafaqnimo

Heemaaln

Gaza: Dad kusoo Noqday Goobihii Burburay Ee Khan Younis

Heemaaln

Milateriga Israel Oo Duqeeyey Kolonyo Gargaar Gelisay Gaza (Sawirro)

Heemaaln