Heemaal News Network

Ruushka Oo ka Hadlay Diidmada Qayaxan Ee Uu Adeegsaday kuna Eedeeyay Maraykanka Munaafaqnimo

Safiirka Ruushka u fadhiya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey Vasily Nebenzya ayaa ka hor codeynta si cad u sheegay diidmada Moscow ee qaraarka qabyada ah ee Mareykanka.

Waxa uu ku eedeeyay Maraykanka in aanu waxba ka qabanayn waxa ay Israa’iil ka waddo Qasa, waxana uu ku majaajilooday Washington in ay ka hadashay xabbad-joojin ka dib markii “Qasa gabi ahaanba laga tirtiray dhullka”.

“Waxaan aragnay muuqaal munaafaqnimo oo caadi ah,” ayuu yidhi.

Nebenzya ayaa sheegay in qaraarku uu “xaqiijiyay ciqaab la’aanta Israa’iil, oo dembiyadooda aan xitaa lagu qiimeyn qabyo-qoraalka”.

Sikastaba ha noqotee Maraykanka ayaa golaha amaanka hor keenay Qaraar qabyo ah kaasoo fashilmay, waxaana ogalaaday 11 xubnood, saddex dal ayaa diiday, hal-na wuu ka aamusay.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa diidmada qayaxan ku diiday qaraarkii qabyada ahaa ee ku xidhay xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Qasa; sii deynta la haystayaasha gacanta ugu jiea xamaas.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxwayne Putin Oo Mar kale ku Guuleystay Doorashada Madaxtinimada Ruushka

Heemaaln

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dadaalada Xabad joojinta Looga Hirgelinayo Dagaalka Gaza

Heemaaln

Ruushka Oo ku jira Maalin Baroordiiq ah & Calanka Oo hoos loo Dhigay (Sawirro)

Heemaaln