Heemaal News Network

Ruushka Oo ku jira Maalin Baroordiiq ah & Calanka Oo hoos loo Dhigay (Sawirro)

Ruushka ayaa ku guda jira maalin baroordiiq ah oo loo sameynayo dadkii faraha badnaa ee ku dhintay weerarkii ka dhacay hoolka bandhiga ee magaalada Moscow Jimcihii.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay maanta oo Axad ah maalin baroor diiq qaran ah, isagoo wacad ku maray inuu ciqaabi doono dambiilayaasha, wuxuuna tacsi u diray dadkii ku dhintay eheladooda.

“Dalka oo dhan, dadkayagii oo dhan way idinla barooranayaan,” ayuu yiri. Weerarkan ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee Ruushka ka dhaca muddo labaatan sano ah.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday hoolka bandhiga ee magaalada Moscow oo ay ku dhinteen ugu yaraan 133 qof, waana weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Russia ka dhaca muddo sanado ah.

In kasta oo Maraykanku uu sheegay in uu hayo caddaymo taageeraya sheegashada daacish, haddana taasi kama joojin Moscow iyo Kyiv in ay farta isku fiiqaan sabtida maadaama dagaalka Ukraine uu sii socdo.

Digniin amni oo safaaradda Mareykanka ee Moscow ay soo saartay laba toddobaad ayaa loo diray Ruushka taasoo la xiriirtay weerar soo fool leh inkastoo Ruushka aysan ka hadlin digniintaas sida uga jawaabeen.

Afar qof oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen weerarkii argagixisanimo ee Jimcihii lagu qaaday hoolka magaalada Crocus ayaa lagu xiray gobolka Bryansk, waxaana loo qaaday magaalada Moscow, halkaasoo ay hadda ku jiraan gacanta guddiga baaritaanka Ruushka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Ruushka ee TASS.

Eedeysanayaasha ayaa lagu keenay Labo Gaari oo kuwa Maxaabiista ah, kuwaasoo weli yaalla Barxadda Guddiga, Maalmaha soo socda, baarayaasha ayaa la filayaa inay u gudbiyaan maxkamad ay ku dalbanayaan in xabsiga la dhigo taasoo ah tilaabada ka hortagga ee la doortay. Dhammaan afarta tuhmane ayaa wajahaya xabsi daa’in, hadii lagu heli dembiga loo heysto sida ay sheegtay TASS.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ruushka Oo ka Hadlay Diidmada Qayaxan Ee Uu Adeegsaday kuna Eedeeyay Maraykanka Munaafaqnimo

Heemaaln

Putin Oo Digniin Adag ka Bixiyey Talaabo ay Damacsanayeen Dalal Reer galbeed ah

Heemaaln

Daacish Oo Baahisay Muuqaalka Afar Qof Oo Fulisay Weerarkii Moscow (Sawirro)

Heemaaln