Heemaal News Network

Daacish Oo Baahisay Muuqaalka Afar Qof Oo Fulisay Weerarkii Moscow (Sawirro)

Kooxda Daacish ayaa soo bandhigtay sawir ay ku sheegtay inay ahaayeen afartii nin ee ka dambeeyay weerar toogasho ah oo ay ku dileen ugu yaraan 143 qof hoolka riwaayadaha ee u dhow magaalada Moscow fiidnimadii Jimcihii shalay sida ay baahisay Wakaaladda wararka ee Amaq ee kooxda daacish.

“Weerarku waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay jirto xaalad dagaal oo u dhaxaysa dawladda Islaamka iyo dalalka la dagaallamaya Islaamka,” ayey Amaq ku dartay hadal ay soo saartay kooxda daacish.

Dawladda Islaamiga ah ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, laakiin waxaa jiray calaamado muujinaya in Ruushku uu kaga shakiyey weerarkaas Ukraine oo ay dagaal isku hayaan, inkastoo ay si adag u beeniyeen saraakiisha Ukraine oo xusay in Kyiv aysan wax lug ah ku lahayn.

Daacish wacxay sheegtay iney baxsadeen afartii qof ee weerarkaas fulisay hase ahaatee Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa Sabtidii sheegay inay xireen 11 qof oo ay ku jiraan afar looga shakisan yahay inay yihiin dableydii fulisay weerarka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Qarax dhimasho Iyo Dhaawac Geystay Oo ka Dhacay Dalka Turkiga (Sawirro)

Heemaaln

Putin Oo Digniin Adag ka Bixiyey Talaabo ay Damacsanayeen Dalal Reer galbeed ah

Heemaaln

Dowlada Somalia Oo Shaacisay howlgalo Lagu Laayey Shabaabkii Ugu Badnaa (Akhriso)

Heemaaln