Heemaal News Network

Israa’iil Oo ku Dhawaaqday Inay Goosaneyso Qayb ka mid ah Danta Galbeed Ee la Haysto

Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay goosanayso dhul ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto, kaasoo ay ku sheegtay in uu yahay dhul dawladeed – dhul goosigan oo ah kii ugu weynaa muddo tobanaan sano ah, sida ay sheegeen dadka dhaqdhaqaaqayaasha, kaas oo hadda loo isticmaali karo dhaqdhaqaaqyo dibu dejineed.

Waqtiga ku dhawaaqista, oo uu ku dhawaaqay wasiirka maaliyadda ee midigta-fog Bezalel Smotrich, ayaa ahayd mid muhiim ah, oo ku soo beegantay markii uu Israa’iil u yimid xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken si uu ugala hadlo dagaalka Qasa.

Blinken ayaa dhawaan ku dhawaaqay deegaamaynta Daanta Galbeed in ay tahay “wax aan waafaqsanayn sharciga caalamiga ah” – tan oo ka duwan mawqifkii Maraykanka ee xilligii Trump.

Smotrich – oo taageere u ah dhaqdhaqaaqa dejinta Yuhuudda ee Daanta Galbeed – ayaa sheegay in 800 oo hektar oo dhul ah oo ku yaal waqooyiga dooxada Jordan ay hadda dawladu leedahay, taasoo la macno ah in ay dhisan karaan.

“In kasta oo ay jiraan kuwa ku sugan Israa’iil iyo adduunka oo doonaya in ay wiiqaan xaqa aan ku leenahay Yahuudiya iyo Samaariya [ereyada Kitaabka Qudduuska ah ee Daanta Galbeed] iyo guud ahaan dalka, waxaan kor u qaadeynaa dejinta iyada oo loo marayo shaqo adag iyo hab istiraatiiji ah oo dhan dalka,” ayuu yiri.

Ku dhawaaqista ayaa laga yaabaa in ay ka cadhaysiiso Maraykanka xilli ay sii kordhayso xiisadda kala dhaxaysa Israa’iil ee ku aaddan xoojinta weerarka ay ku hayso Qasa.

Waxaa jira ilaa 700,000 oo Yuhuud ah oo deggan ilaa 140 deegaan oo ku yaalla Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus, meelaha ay Israa’iil qabsatay tan iyo dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967-kii oo ay Falastiiniyiintu ku andacoonayaan in ay mustaqbalka yeelan doonaan.

Dhul degsiimooyinka ayaa inta badan beesha caalamka waxa ay u arkaan sharci darro.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Jaamacada Carabta Oo Galka seefta Ka Saartay Una Badheedhay Marykanka Iyo Xulafadiisa

Heemaal

Mareykanka Oo ka Hor-yimid Qorshaha Israel ku Weerarayso Degmada Rafah

Heemaaln

Netanyahu Oo Amar Ku Bixiyey In La Weeraro Magaal Ay Uga Digeen Masar, Maraykanka Iyo EU-du

Heemaal