Heemaal News Network

Xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani Oo Hargeysa Shir Ku Yeeshay Iyo Ujeeadda.(Sawiro)

Magaalada Hargeysa waxaa galabta kulan dheer uu dhexmaray Xisbiyada WADDANI Iyo KULMIYE, kulankaasi oo ka qabsoomay hotel Ambasaddor.

Kulanka ayaa ahaa dardargelinta arrimaha doorashooyinka isku sidkan ee sannadkan 2024 dhaca iyo nidaamka howlgalka guud ee Axsaabta Qaranka ee arrimaha Doorashada.

Kulankan ayaa ka dambeeyay kaddib kulankii ay dhawaan wada-yeesheen Madaxweynaha iyo Musharaxa Xisbiga WADDANI ee uu ka soo shaqeeyay Madaxweynihii hore Mudane Daahir Rayaale kaahin.

Kulanka galabta waxa ka soo qeybgalay Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo qeybo ka mid hoggaanka Xisbiga ayaa labada Xisbi Ku boorriyey in ay ka shaqeeyaan In dariiqa doorashadu lagu sii ambaqaado in hannaan Shacabku ku farxaan inoogu dhacdo doorashadu.

Dhinaca kale Xisbiga KULMIYE waxaa hoggaaminayey wefdiga ka socday Guddoomiyaha Xisbigaas Mudane Maxamed Kaahin Axmed, iyo qaar ka mid Wasiirrada iyo Hoggaanka Xisbiga Kulmiye ayaa sidoo kale ka soo qeybgalay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo si Cad U Weeraray Xukuumada Biixi

Heemaaln

“Car Ha yimaado Hargeysa Ninka Ku Qaban Kara Doorasho Halkan Aniga ka Taliya…”Suldaan Kayse Bade

Heemaaln

Xisbiga Waddani Oo War ka soo saaray Kulankii M/Biixi Iyo Musharax Ciro

Heemaaln