Heemaal News Network

Wadahadalo Xabad-joojinta Gaza Oo ka Furmay Qaahira

Ergada wadahadalada ayaa gaartay magaalada Qaahira ee dalka Masar Sabtidii, iyada oo la filayo inuu halkaas ka furmo kulan lagaga wada hadlayo, sidii loo gaari lahaa heshiis xabbad-joojineed oo lagu soo afjaro dagaalka socda muddada lixda bilood ah, isla markaana loo sii dayn lahaa lahaystayaasha kala duwan.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA Bill Burns ayaa isaguna gaaray magaalada Qaahira, sidoo kale wufuudda soo gaartay magaalada Qaahira waxaa ku jira Wasiirka arrimaha debedda ee Qatar Sheikh Mohammed bin Cabdiraxmaan al-Thani iyo wefti ka socda Israa’iil, sida ay baahisay warbaahinta al-Qahera ee laga leeyahay dalka Masar.

Xamaas ayaa iyaduna qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay inay Qaahira u diri doonto guddoomiye ku xigeenka Qaza Khalil al-Hayya. Xamaas ayaa markale ku celisay dalabkooda, oo ay ugu horreeyaan, in la gaaro heshiis xabbad-joojin ah oo joogto ah iyo in ciidamada Israa’iil ay gebi ahaanba ka baxaan marinka Qaza inkastoo Israel ay diidan tahay qodobadaas waxayna doonayaan in xabad joojin KMG ah oo lagu sii daayo maxaabiista.

Afhayeenka golaha amniga Qaranka ee Maraykanka John Kirby ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden uu waraaqo u kala diray madaxweynaha Masar Cabdel Fattax al-Sissi iyo amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Xammad al-Thani, isaga oo ku boorriyey inay ka keenaan dhinaca Xamaas inay u hoggaansami doonaan heshiiska.

Biden ayaa sidoo kale u sheegay Netanyahu inuu awood dheeri ah siiyo ergada ku metelaya wadahadalada Qaahira, si loo gaadho heshiis xabbad-joojineed, sida ugu dhakhsaha badan, kaasoo ogolaanaya in gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah la gaadhsiiyo marinka Qaza.

Dagaalka ay Israa’iil ku qaadday marinka Qaza ayaa loo arkaa inuu yahay, mid ka mida dagaalladii ugu khasaaraha badnaa uguna dhimashada badnaa qarnigan 21aad.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Mareykanka Oo Meelmariyay $95.3 Bilyan Oo Uu ku Taageerayo Israa’iil Iyo Laba Dal Oo Kale

Heemaaln

Ra’iisul Wasaaraha cusub Ee Falastiiniyiinta Oo Xilkii la Wareegay Iyo Iraa’iil iyo Xamaas

Heemaaln

Gargaar Ku Wajahan Gaza Iyo Fawdo Ka Dhalatay 15 Gaadhi Ee Ugu Horeeyey

Heemaal