Heemaal News Network

Israel Oo Weerarkii Ugu Dhimashada Badnaa ka Geysatay Koonfurta Lubnaan.(Sawirro)

Tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay duqeymo ay Israa’iil ka geysatay Lubnaan ayaa gaartay 10 qof sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Lubnaan, taasoo ka dhigaysa duqeyntii ugu dhimashada badneyd in ka badan afar bilood tan iyo markii uu dhacay weerarkii Xamaas 7dii Oktoobar.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay dileen taliye sare oo ka tirsan kooxda xagjirka ah ee Hezbollah ee Radwan Force, kaasoo lagu magacaabo Ali Dibs, iyagoo sheegayua inuu door ku lahaa weerar ka dhacay gudaha Israa’iil sannadkii hore iyo weeraro kale oo lagu beegsaday Israa’iil afartii bilood ee la soo dhaafay. .

Waxay sheegtay Israel in Dibs la dilay isaga iyo ku xigeenkiisii Xasan Ibraahim Ciise, iyo sidoo kale sarkaal kale oo ka tirsan Xisbullah, weerar ay ka fuliyeen magaalada koonfureed ee Nabatiyeh.

Hezbollah ayaa xaqiijisay in saddex ka mid ah dagaalyahanadeeda la dilay oo ay ay ku jiraan Dibs iyo Ciise iyadoo aan wax war ah laga siinin doorkooda kooxda. Sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka ee Lubnaan ayaa sheegay in Dibs uu ka badbaaday weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen Nabatiyeh todobaadkii hore..

Hezbollah ayaa wacad ku martay inay ka aargudan doonto weeraradan ka dhacay Nabatiyah iyo tuulo ku taal koonfurta Lubnaan, saacado ka dib markii gantaalo ka yimid Lubnaan ay dileen askari Israa’iili ah.

Fiidnimadii caawa, Xizbullah waxay sheegtay inay fulisay “jawaabteedii ugu horreysay” iyadoo “tobanaan gantaallada Katyusha” ku soo ridday magaalada Kiryat Shmona ee waqooyiga Israa’iil. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay khasaaraha ka dhashay, iyadoo inta badan dadkii ku noolaa ay ku biireen tobanaan kun oo ka qaxay deegaanka tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii Oktoobar.

Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee la geeyay xuduudka Lubnaan iyo Israa’iil, oo loo yaqaan UNIFIL, ayaa walaac ka muujiyay “isweydaarsiga hubka culus” ee ugu dambeeyay, waxayna ku booriyeen dhammaan dhinacyada ku lugta leh inay joojiyaan colaadda si looga hortago in ay sii xumaato.

“Weerarada lagu beegsanayo dadka rayidka ah waa xadgudubyo sharciga caalamiga ah waxayna ka dhigan yihiin dambiyo dagaal,” ayuu yiri afhayeenka UNIFIL Andrea Tenenti.”

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xukuumada Xamse Oo ka War-bixiyey Booqasho Wafdiga Jamacadda Carabta Ee Muqdisho

Heemaaln

Weerar Lagu Qaaday Guri kuyaalla Duleedka Nairobi Oo Lagu soo Xiray Saraakiil Kenyan ah oo…

Heemaaln

General Abdel Fattah Al-Burhan Oo Hal Shardi ku Xiray Wadahadal Nabadeed Oo Uu la Galo

Heemaaln