Heemaal News Network

Mareykanka Oo Sheegay inuu Qabtay Shixnad Hub ah Oo Iran Ay u Waday Xuutiyiinta Yemen

Mareykanka ayaa sheegay in uu qabtay shixnad hub ah oo Iran laga leeyahay oo ku sii jeeday Yemen qeybta ay Xuutiyiinta ka taliso.

Waxaa laga helay markab ay saarnaayeen dabayaaqadii bishii Janaayo.

Markabku waxa uu siday in ka badan laba boqol oo xidhmo oo ay ku jiraan walxaha qarxa, qaybaha gantaalada ridada dhexe ee ballistic-ga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee badda, qalabka isgaarsiinta ee heerka milatariga ah, gantaalada hagaya lidka taangiyada, iyo qalab kale oo ciidan.

Mareykanka ayaa shixnaddan ku tilmaamay tusaale kale oo muujinaya saameynta xun ee Iran ku leedahay gobolka, wuxuuna sheegay in hubka joogtada ah ee la siiyo Xuutiyiinta uu xadgudub ku yahay sharciga caalamiga ah iyo go’aamada Qaramada Midoobay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeen ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Ethiopia ayaa is casilay.

Heemaal

Weriyeyaal ka Tirsan Aljazeera Oo Mar kale si Xun Loogu Dhaawacay Gaza (Sawirro)

Heemaaln

Shacabka Yuhuuda: Natanyahu Ha Is Casilo

Heemaal