Heemaal News Network

Weriyeyaal ka Tirsan Aljazeera Oo Mar kale si Xun Loogu Dhaawacay Gaza (Sawirro)

Laba wariye oo ka tirsan warbaahinta Aljazeera oo kala ah Ismail Abu Omar iyo Ahmad Matar, ayaa ku dhaawacmay duqayn cirka ah oo Israel ka fulisay waqooyiga degaanka Rafah ee marinka Gaza sida ay sheegtay Aljazeera.

Abu Cumar oo weriye ah iyo Matar oo ah sawir qaade ayaa “dhaawac halis ah uu soo gaaray” waxaana lagu daweynayaa Isbitaalka Yurub ee ku dhow Khan Yuunis, Aljazeera English ayaa sheegtay in Abu Cumar ay qasab ku noqotay in lugta laga gooyo.

Shabakadda warbaahinta Aljazeera ayaa xaqiijinaysa in beegsiga wariye Ismaaciil iyo sawir qaade Axmed ay qeyb ka tahay dambiyada Israa’iil ee ka dhanka ah saxafiyiinta, waana qayb cusub oo ka mid ah bar-tilmaameedka ula kaca ah ee suxufiyiinta iyo wariyeyaasha Aljazeera ee Falastiin.

Shabakadda ayaa ku nuuxnuuxsatay in beegsigan uu ku yimid cabsi gelin lagu hayo saxafiyiinta si looga hortago in ay soo sheegaan dambiyada foosha xun ee ay ciidamada israel u geysteen dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee Gaza.

Aljazeera ayaa dib u cusbooneysiisay baaqeeda beesha caalamka iyo ururada xoriyada warbaahinta inay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo lagu ilaalinayo saxafiyiinta Gaza iyo in lala xisaabtamo ciidamada Israel.

Sida laga soo xigtay Guddiga Badbaadinta Saxafiyiinta, ugu yaraan 85 wariye iyo shaqaale warbaahin ah ayaa lagu dilay dagaalka tan iyo 7-dii Oktoobar. Waa xilligii ugu dhimashada badnaa ee suxufiyiinta tan iyo markii CPJ ay billowday ururinta xogta 1992-kii.

Bishii Disembar, wariye Aljazeera ka tirsan ayaa dhintay ka dib markii Israel ay weerar ku qaaday koonfurta Gaza. Shabakadda fadhigeedu yahay dalka Qatar ayaa sheegtay in Samer Abu Daqqa oo ka shaqeynayey kamaradaha uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray weerarka, waxaana ay intaa ku dartay in saacado badan uu dhiig baxayay ka hor inta aysan shaqaalaha caafimaadka soo gaarin, sababo la xiriira duqeymo xooggan oo ka dhacayey magaalada.

Afar kale oo wariyeyaal ah oo ka tirsan Aljazeera ayaa lagu dhaawacay dagaalka kuwaasoo ay ku jiraan saddex ka mid ah lagu dhaawacay koonfurta Lubnaan sidoo kale waxaa ka mid ah weriyeyaasha horey u dhaawacmay madaxa aljazeera xafiiska Gaza Wael Dahdouh oo xaaskiisa, gabadhiisa iyo wiil uu awow u yahay lagu dilay weerar Israel qaaday xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Gaza. dabayaaqadii Oktoobar.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Wasiirka Difaaca Oo Imaaraadka xog ka Siiyay Baaritaanka Weerarkii Sarakiisha Looga Dilay

Heemaaln

M/Xasan Oo khudbad Uu ka jeediyey Shirka M/Afrika si Adag Uga Hadlay Damaca Itoobiya

Heemaaln

Daawo Ukrain Oo Soo Bandhigtay Nin Soomali Ah Oo Ay Ku Qabatay Dagaalka

Heemaal