Heemaal News Network

Wasiirka Difaaca Oo Imaaraadka xog ka Siiyay Baaritaanka Weerarkii Sarakiisha Looga Dilay

Wasiirka wasaaradda Difaaca Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa khadka taleefonka kula hadlay Wasiiru Dowlaha Difaaca ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Mubaarak.

Wasiirka ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyay xukuumadda, shacabka iyo ciidanka dowladda Imaaraadka geerida ku timid saraakiishii Imaaraadka ahaa ee lagu dilay weerarkii ka dhacay xerada ciidanka ee Jeneraal Gordan.

Waxa uu sheegay Wasiir Jaamac in saraakiishii Imaaraadka looga dilay weerarka ay yihiin halyeeyo summad u ahaan doona kaalinta dowladda Imaaraadku kaga jirto la dagaallanka argagixisada caalamiga ah iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa la wadaagay wasiiru dowlaha Difaaca Imaaraadka xogta halka ay mareyso baaritaannada lagu sameenayo weerarkii ka dhacay xerada Gordan, waxa uuna sheegay in weerarkaasi dad loo xiray ayna socdaan baaritaanno dheeraad ah .

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa caddeeyay in weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu dilay saraakiisha Imaaraadka u dhalatay uusan waxba u dhimi doonin xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xilibaan Deeqa Dhalac Oo Kulan La Qaadatay Xilibaanada Wasiirada Iyo Garaadada SSC-Khaatumo.

Heemaal

Warbixinta Soomaliya U Gudbisay Qaramada Midoobay Oo Gilgishay Adisababa

Heemaal

Dowladda Soomaaliya: “Ma jirto Amni-xumo iyo Halis Badqab Oo ka jira Hawada.”

Heemaaln