Heemaal News Network

Koonfur Afrika Oo Marti galisay Kooxda Kubadda Cagta Ee Falastiin Oo Taageero Ugu Muujinayo

Xulka kubadda cagta ee Falastiin ayaa Axadii la ciyaaray kooxda koonfur afrika ee Western Cape 11, kulankaas oo ahaa mid saaxiibtinimo oo lagu muujinayey midnimada Koonfur Afrika iyo Falastiiniyiinta.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa daawadayaasha hor kacayay iyagoo ku dhawaaqaya “Falastiin xor ah!” wuxuuna ku celceliyay in Koonfur Afrika ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Falastiiniyiinta dagaalka kula Jira Israa’iil.

Mas’uuliyiin kale oo sarsare ayaa ka soo qeyb galay oo uu ku jiro wasiirka arrimaha dibadda Naledi Pandor.

“Shacabka Falastiin iyo Hoggaanka Ururka Xoreynta Falastiin oo uu ugu horeeyo Abuu Cammaar, Jaalle Yaasir Carafaat, waxay ka mid ahaayeen saaxiibadii iyo taageerayaashii ugu weynaa ee halgankeena xornimo doonka ah, waxay na garab istaageen maalmihii ugu madoobaa, rajo iyo dhiirranaan ayay na siiyeen. ” ayuu yiri Madaxweyne Ramaphosa, isaga oo tixraacaya halgankii dalkiisu uu kula jiray midab-takoorka.

“Maanta, annagoo ah shacabka Koonfur Afrika ee xorta ah, waxaan leenahay gacmahayaga qabsada, idinkana waan idin garab taagannahay,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweyne Ramaphosa ayaa sidoo kale u mahadceliyay daawadayaasha “in ay halkan u joogaan taageerada dadka Falastiin”.

Ciyaartan ayaa lagu waday in ay ku soo beeganto sanadguuradii 1990-kii ee ka soo wareegtay markii xabsiga laga sii daayay halyeygii xornimada Koonfur Afrika iyo madaxweynihii hore ee dalkaasi Nelson Mandela.

Bayaan ka soo baxay madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciyaartan looga golleeyahay in ciyaartoyda Falastiin la siiyo fursad ay ugu raaxaystaan ciyaaraha ay jecel yihiin xaaladaha nabadda iyo kaabayaasha wanaagsan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Gaalkacyo Oo Dabaal-degii Ugu Danbeeyay Ee Kooxda Galmudug Loogu Sameeyay.

Heemaaln

Real Madrid Ku Bixinayso Mushahar Xad Dhaaf Ah Kylian Mbappé Iyadoon Hiyi-kicinin Ciyaartoyda Kale

Heemaal

Live Ciyaarta Finalka Ee Galmudug Vs Hirshabeele

Heemaaln