Heemaal News Network

Weerar Lagu Qaaday Guri kuyaalla Duleedka Nairobi Oo Lagu soo Xiray Saraakiil Kenyan ah oo…

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa weerar ku qaaday guri kuyaalla duleedka magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo lagu hayay muwaadiniin Itoobiyaan ah oo la doonayay in la tahriibiyo.

Howlgalkan ay fuliyeen ciidamada dambi baarista booliiska Kenya ayaa lagu soo xiray afar sargaal oo katirsan booliiska dalka Kenya oo ku sugnaa guriga lagu qarinayay tahriibayaasha u dhashay Itoobiya.

Saraakiishan lasoo xiray ayaa lagu tuhmayaa in ay la shaqeenayaan kooxo muqalasiin ah oo dadka tahriibiya, waxaana gurigaasi laga soo waday 37-qof oo u dhashay dalka Itoobiya oo ku xayirnaa gurigaasi.

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa baadigoobaya milkiilaha guriga laga soo qabtay tahriibayaasha Itoobiyaanka ah, waxaana ninkan baxsadka ah loo soo jaray waaran ciidamada kusoo xirayaan.

Tahriibayaasha lasoo qabtay ee ku sugnaa guriga kuyaalla duleedka Nairobi ayaa kusii jeeday dalka Koonfur Afrika, waxaana dadkan la sheegay in ay kasoo jeedaan qowmiyada Oromada Itoobiya, iyagoona Kenya kasoo galay xadka Mooyaale.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Saaxiibkii Ayuu Dilay Markii Uu Ka Soo Noqday Dagaalka Gaza

Heemaal

Israel Oo Duqeyn ku Bilowday Rafah Caruur Iyo Haween Badan-na Lagu Xasuuqay.(Sawirro)

Heemaaln

Imaam Masaajid Oo Tilmaan Xun ka Bixiyay Calanka Faransiiska Oo Dalkaasi Laga Eryay

Heemaaln