Heemaal News Network

Israel Oo Duqeyn ku Bilowday Rafah Caruur Iyo Haween Badan-na Lagu Xasuuqay.(Sawirro)

Duqeymo ay Israa’iil la beegsatay Magaalada Rafah ee Koonfurta Gaza ayaa sababay dhimasho iyo dhaawaca shacab badan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Falastiin ee Wafa Sabtidii maanta.

Sida ay sheegeen Saraakiisha caafimaadka ee Wafa ay soo xigatay, 25 qof oo u badan haween iyo carruur ayaa ku dhintay duqeymo xagga cirka ah iyo madaafiic lagu garaacay guryo ku yaalla bartamaha iyo waqooyiga Rafah.

Israel oo soo saartay War ku saabsan duqaymaha laga soo sheegay Rafah ayaa afhayeen u hadlay waxaa uu yiri, “Iyadoo laga jawaabayo weerarrada waxashnimada ah ee Xamaas, ciidankeena waxa ay ka shaqaynayaan sidii ay u burburin lahaayeen awoodaha militariga iyo maamulka Xamaas”

“Si ka duwan weerarrada ula kac ah ee Xamaas ay ku hayso ragga, haweenka iyo carruurta Israa’iil, Ciidanka Israel waxay raacaan sharciga caalamiga ah waxayna qaadaan taxadar macquul ah si loo yareeyo waxyeellada rayidka,” ayuu afhayeenku ku daray.

Waxaa isa soo taraya qeylo dhaan caalami ah oo ku saabsan Rafah, oo ay ku nool yihiin in ka badan hal milyan oo qof, ka dib markii Israa’iil ay sheegtay inay dhawaan geli doonto magaaladaas, taasoo qeyb ka ah ololaha dhulka ee ka dhanka ah Xamaas.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Mareykanka Oo ka Hor-yimid Qorshe Cusub Oo Uu Shaaciyey Raisul Wasaaraha Israel.

Heemaaln

Dagaalyahanada Xisbullah Oo 60 Gantaal ku Garaacay Gudaha Israel.(Sawirro)

Heemaaln

Bank Dhacay Ganacsatada Dalka Ukrain Oo Buuq Badani Ka Dhashay

Heemaal