Heemaal News Network

Imaam Masaajid Oo Tilmaan Xun ka Bixiyay Calanka Faransiiska Oo Dalkaasi Laga Eryay

Nin Imaam masjid ahaa oo heestay dhalashada dalka Faransiiska ayaa laga eryay dalkaasi, kaddib markii calanka astaanta u ah dalka Faransiiska uu ku tilmaamay mid sheydaan ah , taa oo dad badan ka carreeysiisay.

Muuqaal baraha bulshada si weyn ugu baahay maalmihii lasoo dhaafay ayaa Imam Mahjoub Mahjoubi ku tilmaamay calanka Faransiiska astaan sheydaan,waxa uuna muuqaalkan abuuray falcelino badan iyo carro dad badan ka imaaneysay.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Faransiiska Gérald Darmanin, ayaa sheegay in dalka laga eryay Imam Mahjoub uu sheegay in uu ahaa xagjir ku dhawaaqay hadallo aan sinaba loo aqbali karin.

Mahjoub Mahjoubi, ayaa dhankiisa sheegay in hadaliisa si qaldan loo turjumay, waxa uuna diiday in wax khalad ah uu sameeyay, isagoona tilmaamay in hadalkiisa uusan ula jeedin mid ixtiraam darro ku ah calanka.

Imaamkan laga eryay dalka Faransiiska ayaa asal ahaan kasoo jeeda dalka Tunusia, waxa uuna dalka Faransiiska kunoolaa muddo 38-sann ah, isagoona imaam ka ahaa masjid kuyaalla magaalada Bagnols-sur-Cèze, ee koonfurta Faransiiska.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ukrain Oo Sheegtay In Ay Soo Riday Dayaarad Milatari Oo Ruushku Leeyahay

Heemaal

Mareykanka iyo UK Oo Puntland ka Taageeraya la Dagaalka Argagaxisada iyo Burcad-badeedka

Heemaaln

Beesha caalamka Oo ku Dhegan Qodobo ka mid ah Dastuurka & Xassan Sheekh Oo Talaabo Qaaday

Heemaaln