Heemaal News Network

Dayax Gacmeed Ay Gabdho Kali Ahi Sameeyeen.

Dayax-gacmeedka Azadi (SAT 750) oo lagu sameeyeey dalka Hindiya ayaa hawada sare loo diray.

Sameynta Dayax-gacmeedkan waxaa iska kaashaday gabdho arday ah oo ka kooban 750 oo ka kala yimid 75 dugsi oo ay dowladdu leedahay wax ka dhigta.

Mashruuca Dayax-gacmeedkan lagu sameeyey oo qayb ka ah munaasabadda Amrit Mahotsav oo lagu xusayo sanad guurada 75-aad ee ka soo wareegtay maalinta dalka Hindiya uu xorriyadda ka qaatay gumeystaha Ingiriiska.

Haddaba Dayax-gacmeedkan wuxuu Dayax-gacmeedyada horay dalkaasi looga sameeyey uu uga duwan yahay sameyntiisa waxaa iska kaashaday 750 arday oo gabdha ah oo wax ka barata dugsiyada ay dowladdu leedahay.

Sameynta Dayax-gamedkana waxaa gabdhaha gacan ka siiyey shirkad loogu magac daray ‘Space Kids India’.

Shirkaddaasi oo horay u sameysay gaadiid yar oo loogu tao galay hawada sare in loo isticmaalo, balse Dayax-gacmeedkan uu yahay kii ugu horreeyey oo hawaada sare loo diroo oo ay shirkaddaasi sameysay.

Dayax-gacmeedka xilligi hawada sare looga dirayey xaruunta Dayax-gacmeedyada laga diro ee Satish Shawan waxaa goob joog u ahaa 400 oo gabdhood oo ka mid ah hablihi sameeyey.

Dayax-gacmeedkaasi oo uu miisaankiisu yahay 8 kiilo waxaa sida oo kale ku rakiban kaameerooyin wax duubo iyo saxamo ceedceedda ku shaqeeyo uu tamarta ka qaato.

Waxaa sida oo kale Dayax-gacmeedkaasi loo sameeyey agab isgaarsiineed oo goob walba lagala xiriiri karo.

Maareeyaha hay’adda Dayax-gacmeedka Hindiya Srimathi Kesson oo warbaahinta u warrantay waxay sheegtay “Azadi waxay ka dhalatay SAT 750 oo ay gabdho sameeyeen, waxayna rumeeyeen riyadoodi ahayd iney horay u socdaan. Ardayda gabdhaha ah ee ka tirsan dugsiyada dowladda oo qaybaha kala duwan ee dalka Hindiyaa ayaa ku lug lahaa sameynta mashruucan Dayax-gacmeedka, waana inaan baahinnaa wacyigelinta la xiriirta cilmiga Sayniska.”

Sameynta Dayax-Gacmeedkan gabdha oo keli ah ay sameyntiisa ka qayb qaateen wuxuu qaatay muddo 6 bilood ah.

“Ujeeddada mashruucan laga lahaa laguna guuleystay wuxuu ahaa in cilmiga Sayniska aan jaamacadaha lagu koobin oo dugsiyada hoose loo dhaadhiciyo isla-markaana gabdhaha doorka ay horumarinta sayniska ku yeelan karaanna la xoojiyo si looga dhiirrageliyo mustaqbalka iney ka qayb qaataan masharriicda kale ee dayax-gacmeedka dalka Hindiya uu yeelanayo,” ayey tiri Srimathi Kesson.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Goormaa Dayaxa La Dagayaa.

Heemaal

Maxay Cunaan Cirbixiyeenadu Inta Ay Hawada Sarre Joogaan.

Heemaal

Afar Qof Oo Tagaya Dayaxa.

Heemaal