Heemaal News Network

Afar Qof Oo Tagaya Dayaxa.

Hay’adda hawada sare u qaabilsan Maraykanka ee NASA ayaa soo saartay magacyada afar cirbixiyeen oo noqonaya bani aadamkii ugu horreeyey ee muddo 50 sano ah dayaxa aada.

Christina Koch waxay noqonaysaa gabadhii ugu horreysay ee cirbixiyeen ah ee abid loo diro hawl dayaxa loo aadayo, halka Victor Glover uu isna yahay cirbixiyeenkii ugu horreeyey ee madow ah ee dayaxa aada.

Waxay is raaci doonaan Reid Wiseman iyo Jeremy Hansen oo ay hal dayax gacmeed ku wada duuli doonaan, ayagoo dayaxa ku dul wareegi doona sannadka dambe ama horraanta 2025. Cirbixiyeennadu kuma degi doonaan dayaxa, laakin hawshoodu waa inay dhabbaha u xaaraan in cirbixiyeenno ka dambeeya ay dayaxa ku degaan.

Afartaas qof oo seddex ka mid ah ay Maraykan yihiin, midna uu Canada u dhashay waxaa dadweynaha lagu baray xaflad ka dhacday Houston, Texas. Waxay iminka balaabayaan muddo ay tababar xoog leh samayn doonaan.

”Shaqaalaha raaci doona Artemis-2 waxay u taagan yihiin kumanaan qof oo aan ka daalin inay dayaxa na geeyaan” ayuu yiri Bill Nelson oo ka tirsan NASA.
Wiseman ayaa noqonaya taliyaha kooxdaas, waxaana duuliye ka ah dayax gacmeedka Glover, ayadoo Koch iyo Hansen-na ay noqon doonaan khubarada hawlgalka.

Dayax gacmeedka Artemis ayaa isticmaali doona tiknoloojiyada qarniga 21aad oo NASA ay ka samaysay barnaamijyo uu isticmaalayo dayax gacmeedka. Hore ayaa dayax gacmeedkii la oran jiray Artemis -1 oo aysan dad la socon wuxuu u ambabaxay 25 maalmood oo uu dayaxa ku dul wareegay, ayadoo taasi ay u saamaxday injineerrada inay qiimayn ku sameeyaan sida qalabka ku rakiban uu diyaar ugu yahay hawlgal duullimaad.

Xilligii ugu dambeeyey ee bani aadmi uu u duulo dayaxa waxay ahayd Disembar 1972, markaasoo dayaxa loo diray Apollo 17, waxaana dayaxa ku dul degay markii ugu horreysay Apollo 11.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Maxay Cunaan Cirbixiyeenadu Inta Ay Hawada Sarre Joogaan.

Heemaal

Goormaa Dayaxa La Dagayaa.

Heemaal

Dadkii Ku Dhintay Shilalka Hawada Sarre Sidee Loo Aasay.

Heemaal