Heemaal News Network

Mars Oo Laga Helay Haro Wayn Oo Mar Ay Buuxiyeen Dareere

NASA ayaa ururisay xog xaqiijinaysa jiritaanka haro qadiimi ah, oo ku taala Mars goobta lagu magacaabo Jerezo Crater, oo ay mar buuxiyeey dareere, sida lagu sheegay daraasad.

Cilmi-baadhistan oo ay hoggaaminayeen kooxo ka kala socda Jaamacadda California ee Los Angeles (UCLA) iyo Jaamacadda Oslo, ayaa Jimcihii lagu daabacay joornaalka Horumarka Sayniska.

Natiijooyinka ka soo baxay indho-indheynta uu sameeyay robotka roverku waxay caddaynaysaa sawirro iyo xog kale oo saynisyahannadu u horseedaysa in ay ogaadeen in qaybo ka mid ah Mars ay ku daboolan yihiin biyo lagana yaabo inay haysteen nolosha microbial.

Natiijadani waxay ku salaysan tahay iskaanka dhulka hoose ee uu qaaday gaadhiga yar ee sahanka ka wada Mars.

Dhawaaqa ka soo baxaya lakabyadaasi waxay bixinayaan caddayn in haradani mar lagu noolaan jiray ama ay quudin jirtay noolayaal sida harooyinka dhulka, Natiijadu waxay xoojisay daraasado hore ay muddo dheer soo jeedinayeen saynis yahanadu oo ah in Mars ay mar diiranaan jirtay laguna noolaan karo.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Daawo Sida Ay Cirbixiyeennada Muslimiinta Ahi Ugu Tukadaan Hawada Sarre.

Heemaal

Maxay Cunaan Cirbixiyeenadu Inta Ay Hawada Sarre Joogaan.

Heemaal

Noolayaasha Hawada Sarre Lagu Arkay.

Heemaal