Heemaal News Network

Noolayaasha Hawada Sarre Lagu Arkay.

Waxaa lagu soo warramay in kumannaan nooleyaal ah oo aan la aqoonin iyo walxo kale lagu arkay iyagoo duulaya hawada sare.

Dad ku sugan meelo kala duwan oo caalamka ka mid ah ayaa sheegay in ay mar walba arkaan nooleyaashan oo lagu tilmaamo UFO ama UAPs.

Seynisyahannada ayaa horay u beeniyay in ay jiraan waxyaabahan, iyagoo sheegay in nooleyaasha la hadal hayo aysan waxba ka jirin, balse ay yihiin oo kaliya caarocaaro hawada ku samaysan.

Laakiin markii ay arrimahan dib usoo cusboonaadeen hadda, hay’adda cilmibaarista hawada sare ee Mareykanka, oo magaceeda loo soo gaabiyo NASA ayaa sheegtay inay koox seynisyahanno ah u dirayso si ay usoo baaraan.

Waxaa rajo laga qabaa in kooxda daraasadda samaynaysa ay helaan xal waara oo ku aaddan xogta ku saabsan waxa ay nooleyaashaas yihiin.

9-kii bishii June ayaa bayaan kasoo baxay maamulka NASA la diyaarinayo kooxda seynisyahannada ah oo howshooda guda gali doona dabayaaqada bisha September ee sanadkan 2022-ka.
Habka loo fulinayo daraasadda waa in loo kuur galo dhaqdhaqaaqyada waxyaabaha aan la garanaynin ee hawada sare ku socda, kuwaasoo kaddibna loo baari doono seynis ahaan.

Daraasadda waxaa xoogga lagu saari doonaa in la helo xog rasmi ah oo lagu qeexayo nooleyaasha la tuhunsan yahay. Hay’adda NASA ayaa ku dadaalaysa in faham laga qaato cilmiga seyniska ah ee sharraxaya nooleyaasha loo yaqaanno UAPs.

Waxay noqonaysaa markii ugu horraysay ee tallaabo noocan ah ay culimada seyniska qaadaan.

Cilmi baarista horay loogu sameeyay arrimahan ayaa ahayd mid aad u xaddidan lamana gaarsiinin heer lagu kala caddeeyo dhacdooyinka ku lugta leh nooleyaasha hawada sare ee aan laga warqabin.

“Ujeeddada laga leeyahay baaritaankan hadda la billaabayo waa in la xaqiijiyo amniga qaranka Mareykanka iyo sidoo kale hubinta nabadgalyada hawada sare,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hay’adda NASA.
Amniga hawada oo la hubinyo waxa uu meesha ka saarayaa khatar soo wajahda haawiidka duullimaadyada sameeya, sida diyaaradaha iyo dayax gacmeedyada.

Ilaa hadda ma jiraan wax caddeymo ah oo loo hayo jiritaanka dhabta ah ee qalabka aan la garanayn iyo waxyaabaha hawada lagu arko.

“NASA waxay aaminsan tahay in qalabka seyniska ee la hayo uu awood buuxda u leeyahay howshan loo diray,” ayuu yiri Thomas Zurbuchen oo ah seynisyahan ka shaqeeya Xarunta dhexe ee ay NASA ku leedahay magaalada Washington.

Daniel Evans, oo isagana ah ku xigeenka maamulaha NASA ayaa sheegay in daraasaddan cusub ay shaaca ka qaadi doonto xog faahfaahsan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Konton Sanno Kadib Maraykanka Oo Dayax Gameed Ka Dajiyey Koofurta Dayaxa

Heemaal

Afar Qof Oo Tagaya Dayaxa.

Heemaal

Goormaa Dayaxa La Dagayaa.

Heemaal