Heemaal News Network

Daawo Sida Ay Cirbixiyeennada Muslimiinta Ahi Ugu Tukadaan Hawada Sarre.

Cirbixiyeennada ku sugan hawada sarre waxay hawadu la wareegtaa 90 daqiiqo oo kasta. Taas micneheedu wuxuu yahay in 16 jeer ay qoraxda u dhacdo una soo baxdo 24-kii saacba.

Haddaba, cirbixiyeenkan muslimiinta ahi, waana in ay shan goor tukadaan maalintii. Haddaba siduu ku ogaanayaa qiblada dhanka ay ka jirto?

Marka la saaran yahay Xarun dhulka ku wareegeysa 27,500kph, dhankee loo jeesanayaa marka la tukanayo?

Waa arrin muran abdan ka dhashay la iskuna khilaafsan yahay. Jawaabtu waxay noqon kartaa buug tilmaame ah oo maamulka arrimaha Islaamka ee Imaaraatka Carabta ay siiyaan cirbixiyayaasha muslimiinta, si ay u raacaan waqtiga magaalada Barakeysan ee Makkah.

Cirbixiyeennada waxay qoraxda u dhacdaan, una soo baxdaa 16 jeer maalintii, marka uma cadda xilliga ay tukanayaan iyo xilliga ay soomayaan.

ayuu yiri Dr Maxamed Al Axbabi, agaasimaha guud ee laanta cirbixiyeennada dalka isutagga Imaaraatka Carabta.

Cirbixiyeen u dhashay Malaysia, Sheekh Muszapher Shukor, oo u safray saldhigga ISS xilli Ramadaan ay ahayd, sannadkii 2007, ayaa wajahay caqabaddan.

“Markii Sheekh Muszapher Shukor uu booqday Imaartka 2015-kii, wuxuu ka sheekeynayay siduu shanta salaadood uu xilligooda u tukan jiray isagoo saldhigga hawada sare ku sugan,” ayuu yiri Dr Al Axbabi.

Laanta hawada sare ee Malaysia, Angkasa, waxay isu keentay illaa 150 culimo caan ah ah si ay uga jawaabaan su’aalaha jihada qiblada iyo xilliyada salaadda.

“Wuxuu sheegay in la soo saaray fatwo ah in la raaco xilliga salaadda ee meesha laga dirayo dayax-gacmeedka, taas oo ahayd Kazakhstan.”

Buugga hagaha ah ee hadda la hayo, wuxuu sheegayaa in uu isku deyo cirbixiyeenku in dhanka dhulka uu u soo foorarsado marka uu tukanayo. Balse haddii ay ku adkaato, uuna ka baqo in salaadda ay dhaafto, wuxuu u jeesan karaa dhinacuu doono”.

Sidoo kale waxaa dhibaato noqon karta in la helo biyo lagu weyseysto.

Buuggan waxaa ku qoran in ISS ay waxyaabaha aasaasiga ah bixiyaan sida biyaha, balse cirbixiyeennada waxaa lagula taliyaa in ay sii qaataan ciid qalalan ama dhagxaan u bedeli kara biyaha oo ay ku gabagabeystaan marka aan biyaha la heli karin.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Maxay Cunaan Cirbixiyeenadu Inta Ay Hawada Sarre Joogaan.

Heemaal

Goormaa Dayaxa La Dagayaa.

Heemaal

Mareykanka, Canada iyo Mexico Oo Maata Qorrax Madoobaad Ka Dhacay.(Sawiro).

Heemaaln