Heemaal News Network

Maraykanka Oo Ruushka Ku Eedeeyey In uu Sameeyey Hub Lagula Dagaalamo Dayaxgacmeedyadda

Ruushka ayaa sameynaya hub cusub oo looga hartago dayax-gacmeedka sida uu Mareykanku sheegay balse weli hawada uma dirin.

Afhayeen u hadlay aqalka cad, John Kirby, ayaa hadalkan sheegay maalin ka dib markii xubin sare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga uu soo saaray digniin aan cadeyn oo ah in ay jirto khatar amni oo halis ah.

Hubkan waa nooc hawada sare la dhigayo oo wata Nukliyeerka, wuxuu beegsanayaa dayax-gacmeedyada sida uu sheegay CBC news.

Mr. Kirby ma xaqiijin sida uu sheegay khamiistii, wuuna diiday in uu faahfaahiyo khatarta. Balse wuxuu sheegay in aysan khatar degdeg ah ku soo fool laheyn Mareykanka.

Moscow waxay ku eedeysay Mareykanka in hubka ay sheegayaan in Ruushku haysto ay qiil uga dhigayaan si loogu qasbo kongareeska in uu gargaar siiyo Ukraine.

Madaxweyne Biden waa loo sheegay arrintan ayuu yiri Mr. Kirby oo kaaliye sare u ah madaxweynaha.

Guddoomiyaha guddiga sirdoonka aqalka wakiilada, Mike Turner, ayaa soo saaray digniin qarsoodi ah taas oo dhalisay in warar laysla dhexmaro.

Hubka dayax-gacmeed loo adeegsado ayaa ka mid ahaa sheekooyinka qiyaaliga iyo filimada sida Superman iyo James Bond, balse khubarada militeriga waxay hore uga digeen in dayax-gacmeedka uu noqonayo safka hore ee dagaallada.

Dowladda Mareykanka weli si cad uma sheegin waxa ay tahay khatarta uu ka hadlay Mr. Kirby.

La-taliyaha ammaanka qaranka, Jake Sullivan, ayaa sheegay in aamusnaanta ay tahay ku talagal, isagoo u sheegay suxufiyiinta in ay tahay in Mareykanka uu mudnaanta siiyo habka hay’adihiisa ammaanka ku ururiyaan xogta sirdoon ee ku saabsan khatartaas.

New York Times, ABC iyo CBS waxay sheegeen in khatarta ay la xiriirto Ruushka oo sameysanayo hub nukliyeer ah oo loo adeegsan karo in lagu duqeeyo dayax-gacmeedyada Mareykanka.

Mr. Kirby wuxuu u sheegay wariyayaasha in aysan jirin cadeyn muujineysa in hubkaas la sameeyay balse wuxuu sheegay in Mareykanku dhab u qaadanayo khatartaas.

Muddo shan sano ah ayey madaxda Mareykanka iyo khubarada hawada sare ka digayeen in Ruushka iyo Shiinaha ay sameysanayaan awood militeri oo hawada sare ah si ay u gaaraan Mareykanka.

Xildhibaano sare ayaa sheegay in aysan jirin wax dadku ay ka welwelaan, balse khubarada iyo saraakiishii hore ee militeriga ayaa ka digay wax kasta oo khatar ku ah dayax-gacmeedyada Mareykanka in ay yeelan karaan saameyn weyn.

Militeriga Mareykanka si weyn ayey ugu tiirsan yihiin isagaarsiinta dayax-gacmeedka. Waxay u istcmaalaan hawlo badan oo ay ka mid yihiin in ay wax ku sahmiyaan, in uu hago gantaaladooda iyo siyaabo kale.

Aad ayaa dayax-gacmeedka loogu tiirsan yahay. Waxaa loo adeegsadaa adeegyada jiheynta, gaadiidka iyo saadaasha hawada. Nolosha dadka caadigana waxa uu ka yahay qeyb weyn.

Tan iyo xilligii dagaalkii qaboobaa ayey dalalka horumaray, gaar ahaan Maraykanka iyo itixaadkii Soofiyeeti ku tartamayeen hubka loo isticmaalo hawada sare.
Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha waxay leeyihiin awoodo ay ku weeraraan dayax-gacmeedka balse hub nukliyeer ma adeegsan karaan.

Saddaxduba waa saxiixayaasha heshiiska Hawada Sare ee 1967-dii kaas oo mamnuucaya in dayaxa loo diro wax kasta oo sida hub nukliyeer ah.

Matthew Kroenig oo hore uga tirsanaa difaaca iyo sirdoonka ayaa BBC-da u sheegay in ay tahay wax caadi ah in dayax-gacmeedka uu muhiim noqodo.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dadkii Ku Dhintay Shilalka Hawada Sarre Sidee Loo Aasay.

Heemaal

Konton Sanno Kadib Maraykanka Oo Dayax Gameed Ka Dajiyey Koofurta Dayaxa

Heemaal

Saynisyahano Soo Saaray Tamar Suurta Galinaysa In Dayaxa Lagu Noolaado.

Heemaal