Heemaal News Network

Toban Faa’iido Oo Laga Helo Cunista Ukunta.

Marka aad marayso goobaha basaska laga raaco, xaruumaha tareenada ama suuqyada iyo goobaha lagu nasato waxaad magaalooyinka qaar maqlaysaa dad leh “Ukun kulul”.

Xilliga jiilaalka helida ukunta waa sarraysaa, haddaba maxay yihiin tobanka faa’iido ee ugu waaweyn ee laga helo ukunta.

Ukunta waxay qani ku tahay oo laga helaa nafaqooyin badan oo ay ku jiraan booratiino, fiitamiino iyo macaadin sidoo kale qaybta hurdiga ama jaalaha ah ee ukunta waxaa ku jira oo laga helaa fiitamiinada kala ah vitamin E iyo vitamin D iyo dufanka loo yaqaano fatty acids.

Ukuntu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah cuntadeena, si gaar ah waxay lama huraan u tahay isku dheeli tirnaanta cunooyinka.

Immisa borotiin ah ayaa ku jira halkii ukun?

Ukunta dhexdhexaadka ah waxa ay ka kooban tahay todobo garaam oo borotiin dhamaystiran ah. In ay noqoto ‘protein dhamaystiran’ macnaheedu waa in ukuntu ka kooban tahay dhammaan sagaalka amino acids ee lagama maarmaanka ah ee aan u baahannahay .

Inta badan cuntooyinka dhirta ku salaysan, sida badarka, digirta,iyo lawska, waa borotiino aan dhamaystirnayn sababtoo ah waxay ka maqan hal ama in ka badan oo ah amino acids-ka muhiimka ah ee aan u baahanahay.

Ukuntu waa il wanaagsan oo laga helo fitamiin kala duwan waana mid cunisteeda ay tahay mid muhiima ah.

1-Nafaqo

Ukuntu waa nafaqo faa’iido leh oo laga helo fiitamiinada D iyo B sidoo kale waxaa ka buuxa qaar ka mid ah nafaqooyinka muhiimka u ah jirka qofka .

2- Borotiin dhamaystiran

‘borootiin dhamaystiran’ macneheedu waxa weeye ukunta waxa ay ka kooban tahay dhammaan borotiinada lagama maarmaanka ah ee aan u baahannahay si jirka bin’aadmka uu u koro.

Tani waxaa ay muhiim u tahay jirkeena sababtoo ah ma samayn karo amino acids.

Cunista ukunta borotiinka laga helo waxaa uu ka badan yahay midka laga helo hilibka lo’da iyo caanaha .

3- Waxay muhiim u tahay hooyada uurka leh

Ukunta waa cunto u wanaagsan hooyada uurka leh waana il laga helo xaddi aad u fiican oo Borotiin, ah waxaana laga helaa waxa loo yaqaano amino acids taas oo hooyada uurka leh iyo ilmaheeduba u baahan yihiin sidaa darteed waxaa laga helaa in badan oo fiitamiino iyo macaadiin ah.

4- Waxa ay qayb ka qaadataa caafimaadka wadnaha

Ukuntu waxay qani ku tahay dhawr nafaqo oo kor u qaada caafimaadka wadnaha.

Daraasad lagu sameeyay ku dhawaad 500,000 oo qof oo ku nool dalka Shiinaha ayaa lagu ogaaday in cunista ukunta ay yarayn karto khatarta wadne xanuunka iyo faaligga.

5- Caawinta caafimaadka indhaha

Waa wax iska caadi ah in aragga indhaheennu ay xumaadaan marka aynu da’da nahay, laakiin qaar ka mid ah nafaqooyinka faa’iidada leh ee laga helo cunto dheellitiran ayaa kaa caawin kara ilaalinta iyo hagaajinta caafimaadka indhaha.

Ukuntu waxa ay tusaale u tahay, cuntooyinka waxtarka u leh caafimaadka indhaha .

Ukuntu sidoo kale waa isha laga helo fitamiin A, kaas oo lagama maarmaan u ah aragga wanaagsan.

6- Wuxuu nafaqo siiyaa muruqyad:

Ukuntu waa ka mid ka mid ah ilaha ugu fiican ee cuntooyinka nafaqada laga helo.

Waxa uu muruqyada siiyaa tamar iyo nafaqo, sababtoo ah waxa ku jira Faytamiin B12, kaasoo muruqyada ka caawiya inay si fiican u shaqeeyaan, walow mararka qaar uu leeyahay dhibaato caafimaad.

7– Waxay ka caawisaa maareynta miisaanka

Waxaa ay kaa caawisa in qofka uu yareeyo miisaankiisa marka uu rabo in uu caatoobo.

Cilmi-baaris dhawaan la sameeyay ayaa muujinaysaa in quraacda ukunta ay tahay mid caafimaad leh oo hoos u dhigi karta dhimista miiska qofka

8- Waxay ka qayb qaadataa qaab-dhismeedka jirka

Cunista ukunta waxay kordhisaa isku-dhafka borotiinka muruqa, waxayna yareysaa baruurta, taas oo kaa caawisa gaaritaanka isku-dhafka jirka .

9- Waxay dadka ka caawisaa hagaajinta habka difaaca jirka

Sida lagu sheegay daraasada caafimaad, Ukuntu waxay kaalin ka qaadan kartaa habka iyo hagaajinta difaac jirka.

10- Waxay difaacdaa Kansarka

Dadka cuna xaddi badan oo oo ukun ah waxay 24% ka badbaadaan kansarka sida lagu xaqiijiyey daraasad dhawaan la soo saaray.

Immisa ukun ah ayaa la cuni karaa maalintii?

Daraasado dhowr ah ayaa muujinaya in ukunta loo cuni karo si dhexdhexaad ah, qiyaastii hal ukun maalintii ayaa ugu fiican in la cuno, taas ayaana leh caafimaad dheellitiran.

Inkasta oo baaritaannadaas caafimaad ay ifiyeen doodda ah saameynta uu kolestoroolka ukunta ee caafimaadkeena ku leeyahay, haddana waxaan ognahay qaabab kale oo ukunta ay ugu yeelato caafimaadkeena iyo halista cudurrada.

Hal arrin waa midda ah waxa ay ukunta ka kooban tahay ee loo garanayo choline, taas oo ay suuragal tahay in ay ka hortagto cudurada Alzheimer-ka oo ah xanuun dhibaateeya xusuusta iyo shaqooyinka kale ee maskaxda. Waxay sidoo kale difaacdaa kelyaha.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Cudur halis ah Oo Somalia ku Dilay 54 qof & Digniin Culus oo laga soo saaray

Heemaaln

Timo Daadashada Uyo Cuntooyinka U Fiican Caafimaadka Timaha

Heemaal

Covid Saamayn Raagta Ma Ku Yeelan Karaa Raganimada

Heemaal