Heemaal News Network

Saynisyahano Soo Saaray Tamar Suurta Galinaysa In Dayaxa Lagu Noolaado.

Jaamacadda Bangor ee Waqooyiga Wales, Saynis yahanada ayaa bilaabay inay ictiraaqaan oo ay daraasadeeyaan tamar suurtagelin karta in cirbixiyeenadu ay ku noolaadaan dayaxa muddo dheer marka ay halkaasi cago dhigtaan.

Barnaamijka Artemis ee ay hogaaminayso Shirkada NASA ayaa rajeynaya in natiijo wax tar leh laga soo saaro marka la gaadho sanadka 2030ka.

Prof Simon Middleburgh oo ka tirsan jaamacadda Bangor ayaa sheegay in hindisuhu yahay mid xujo ah balse ay khubaradu “ku raaxaysanayaan hirgelintiisa”.

Khubaradda ayaa aaminsan in Dayaxu yahay marinka meeraha Mars lagana heli karo agab aad u qiimo badan oo looga baahan yahay tignoolajiyada casriga ah.

Iyadoo hirgelinta tignoolajiyada hawada sare ay si xawli ah ku socoto, BBC-da ayaa la siiyay fursad naadir ah oo ay ku gasho shaybaarka Machadka Nukliyeerka ee jaamacada Bangor.

Kooxda jaamacada Bangor, oo hogaaminaya wax soo-saarka tamarta adduunka, ayaa kala shaqeynaya hindisahan la-hawlgalayaashooda sida Rolls Royce, UK Space Agency, Nasa iyo Shaybaadhka Qaranka ee Los Alamos ee Maraykanka.

Prof Middleburgh oo ka tirsan Machadka Nukliyeerka ee Futures Institute ayaa sheegay in kooxdu ay rajaynayso inay si buuxda u tijaabiso tamarta Nukliyeerka “dhowrka bilood ee soo aadan”.

Cilmi-baadhayaashu waxay hadda u direen unug yar oo tamarta nukliyeerka ah, oo loo yaqaan Trisofuel, la-hawlgalayaashooda si ay u tijaabiyaan.

Unugga Trisofuel ayaa loo isticmaali karaa in lagu dhaliyo curiyaha nukliyeer yar, oo ay soo saartay shirkada Rolls Royce.

Koronto-dhaliyaha waa aalad la qaadi karo, cabbirkiisuna yahay gaari yar oo lagu dhejin karto gantaal,” ayuu yidhi Prof Middleburgh.
Iqtiraacan ayaa si buuxda loogu tijaabin doonaa saldhigga dayaxa ee hawada sare marka la gaaro sanadka 2030ka.

Horaantii bishan, Hindiya ayaa ku degtay meel u dhow cirifka koonfureed ee Dayaxa iyadoo wadata qalabkeeda Robot-ka ee Chandrayaan-3.

Mid ka mid ah yoolalka ugu waaweyn ee howlwadeenada ayaa ah in la ugaarsado barafka ku saleysan biyaha kaas oo ay saynisyahannadu sheegeen in mustaqbalka uu taageeri karo in bini’aadamka uu ku noolaado Dayaxa.

Jaamacaddu waxay rajaynaysaa koronto-dhaliyeyaasha yaryar in sidoo kale loo isticmaali karo dhulka, sida meelaha masiibooyinku ku habsadeen marka korontadu go’do.

Kooxda Jaamacada Bangor ayaa sidoo kale ka shaqaynaysa nidaamka tamar lagu siin karo nukliyeerka si ay awood u yeeshaan gantaalladu, howlgalkaasi ayaa waxaa hoggaaminaysa Dr Phylis Makurunje.

Waxay tidhi: “Aad bay u xoog badan tahay tamartu – waxayna, ka qeyb qaadan kartaa riixitaanka gantaalka”.

“Tani aad bay muhiim u tahay sababtoo ah waxay awood u siinaysaa gantaalladu inay gaaraan meeraha ugu fog.” Ayaay raacisay hadalkeeda.

Dr Makurunje ayaa sheegay in teknoloojiyada cusubi ay ku dhawaad kala badh dhimi karto wakhtiga ay qaadanayso in la gaadho meeraha Mars.
Qoraa juqraafiyeed iyo saxafi Tim Marshall,ayaa sheegay in horumarka laga gaaray soo saarida tamartan uu ahaa tallaabo loo qaaday tartanka caalamiga ah ee loogu jiro in lagu gaaro cirifka koonfureed ee Dayaxa.

Waxaa uu yidhi: “Waxaan ku kalsoonahay in ay jiri doonaan saldhigyo Dayaxa ah 2030-meeyada. Malaha mid Shiinees ah, amaba mid uu Maraykanku hoggaamiyo”.

“Waan ku kalsoonahay sababtoo ah uma maleynayo in quwadaha waaweyni aysan awoodin inay halkaas joogaan kaliya, waxa ay sidoo kale u badan tahay inay noqoto, horumar ballaaran.

“Sidaas darteed Shiinuhu waxay ka hadlayaan 2028, iyagoo dhigaya dhagaxa ugu horreeya, laga yaabee inay calaamad u tahay inay sheegtaan inay ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee halkaa caga dhigta. Laakiin horraanta 2030-meeyada, Mareykankan iyo Shiinaha labaduba waxay yeelan doonaan saldhig” ayuu intaa ku daray Tim Marshall.

“Waxaa loo maleynayaa inay jiraan macdano sida Titanium, Lithium Silicon iyo Iron oo loo isticmaalo dhammaan noocyada tignoolajiyada ee qarnigan 21aad.

“Qaddarka dhabta ah lama garanayo, laakiin shirkadaha intooda badani waxay ku kalsoon yihiin inay jiraan macdano dhaqaale ahaan waxtar leh.”

Waxa uu ka digay in arrimuhu ay adkaan karaan maadaama laga beec mushtaray Dayaxa, isaga oo soo xiganaya sharciyo duugoobay oo la xidhiidha Dayaxa.

“Xeerarka Dayaxa qaarkood ayaa ah kuwa la qoray ka dib saxiixa axdigii Qaramada Midoobay ee 1967-kii.

“Weli waa nuqul laakin, waxaa la meel mariyay 50 sano ka hor, xiligaa lama ogeyn tiknoolajiyada casriga ah iyo tartanka ka jira dhinacyada ganacsiga ee Dayaxa.

“Sidaas darteed iyada oo aan la helin sharciyo la cusboonaysiiyay, oo ay Qaramada Midoobay ogolaatay, waa wax yar oo qof walba uu xor u yahay, taasina waxay keenaysaa khataro” ayuu yidhi Tim.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Noolayaasha Hawada Sarre Lagu Arkay.

Heemaal

Konton Sanno Kadib Maraykanka Oo Dayax Gameed Ka Dajiyey Koofurta Dayaxa

Heemaal

Dadkii Ku Dhintay Shilalka Hawada Sarre Sidee Loo Aasay.

Heemaal