Heemaal News Network

Cilmibaaris: Faa’iidooyiinka Caafimaad Ee Cabidda Bunka.

In si dhexdhaxaad ah aad u cabto bunka ama qaxwada waa badqab dhanka caafimaadka ah. Laakiin in aad cabto maalinkii 3 ilaa 4 koob oo bun ah ayaa leh faa’ido caafimaad, sida ku cad daraasad, ay soo saarrtay shirkadda BMJ.

Daraasada ayaa lagu ogaaday in dadka cabba bunka ama qaxwada badan ay yartahay halista ah in ay ku dhacaan cudurrada beerka iyo qaar ka mid ah noocyada kansarka iyo waliba in ay yartahay halista ah in u qofka madaxa dhiig kaga furmo.

Balse daraasadda ma aysan caddeyn in cabidda bunka uu sabab u yahay arrimhan.

Daraasadda ayaa muujinaysa in hooyada marka ay uur leedahay misana aadka u cabta bunka uu waxyeelo u gaysan karo.

Khubarada ayaa ku taliyay in dadka aysan ku kicin cabbida qaxwada iyagoo caafimaad ka doonayo.

Cilmibaarayaashani oo ka socday jaamacadda Southampton ayaa waxay soo uruuriyeen macluumad la xiriira saamaynta uu bunka ku yeelanayo jirka bina’aadamka.

Waxaa cilmibaarayaasha ay tijaabo ku sameeyeen 200 oo daraasadood oo intooda badan laga sameeyay saameeynta cabbidda bunka.

Marka la isu barbar dhigo dadka aan cabin bunka ,iyo kuwa maalinkii cabba seddex koob ,ayaa dadka cabba waxaa la ogaaday in ay yartahay khatart ku aadan in ay ku dhacaan cudurada wadnaha amaba ay u dhintaanba.

Faa’iidada ugu xooggan ee laga dhaxlo cabbidda bunka ayaa ah in hoos u dhaca halista in qofku ay ku dhacaan cudurradda beerka oo uu ku jiro Kansarka.

Hasa yeeshee, Prof Paul Roderick, oo ka mid ah macallimiinta kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Southampton, ayaa sheegay in daraasada aysan tilmaamin in cabbidda bunka oo kali ah ay sabab u tahay yaraanshaha halista cudurradaasi.

“Arrimaha sida da’da, in qofka uu cabbo sigaar iyo dadka sameeya jimicsiga ayaa dhamaan yeelan kara astaamahan,” ayuu yiri.

Waxyaabaha lagu ogaaday daraasadda ayaa taageeraya daraasado horay loo sameeyay oo ku saabsan cabidda bunka .

Daraasada ayaa ku talinaysa in haweenka uurka leh aysan cabin maalinkii wax ka badan 200 oo mg oo bun ah ,sababtoo ah haddii ay cabaan qaxwo badan ayaa waxa sare u kici karta halista ah in ay ilmaha soo dilmaan.

Waxa ay sidoo kale ku baaqayaan in loo baahan yahay in dadka cabba bunka ay ogaadaan faa’dooyiinka caafimaad ee ku jirta.

Eliseo Guallar, oo ka socda koleejka caafimaadka John Hopkins Bloomberg ayaa haseyeeshee sheegay inay waliui jirto hubaal la’aan ku aadan saamaynta ay yeelan karto qofka oo cabba bun ama qaxwo aad u badan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Covid Saamayn Raagta Ma Ku Yeelan Karaa Raganimada

Heemaal

Toban Faa’iido Oo Laga Helo Cunista Ukunta.

Heemaal

Maxaad Ka Taqaanaa Xanuunka Macaanka?

Heemaal