Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Qaabilay Wasiirka Maaliyada Jabuuti Iyo Qodobada ay ka Wada-hadleen

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Jabuuti, Mudane Elyaas Muuse Dawaale, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada maaliyadda iyo maalgashiga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa wasiirka la wadaagay horumarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay kobaca dhaqaalaha, dib-u-habeynta maaliyadda iyo kaabeyaasha dakhliga dalka oo meel aad u wagaansan soo gaaray sanadihii dambe, kadib dadaalladii ay sameeyeen hey’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Jabuuti, ayaa Ra’iisul Wasaaraha la-wadaagay muhiimadda ay leedahay dardar-gelinta iskaashiga maaliyadeed ee labada dal, wada shaqeynta dhanka mashaariicda horumarineed, iyo sidii loo kobcin lahaa ganacsiga iyo maalgashiga gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka oo Muqdisho u yimid ka qeybgalka shirka 27-aad ee Madasha Hindisaha Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative), oo ay martigalisay caasimadda Muqdisho isla markaana ay Soomaaliya guddoon ka tahay sannadkan, ayaa xaqiijiyay in ay dowladda Soomaaliya horumar ka gaartay kobaca dhaqaalaha iyo dakhliga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhaqaalaha iyo is-dhaafsiga ganacsiga oo ka hirgala gobolka iyo mudnaanta ay Soomaaliya u leedahay ka faa’iideysiga maalgashiga gaar ahaan macdanta,

korontada iyo wax-soo-saarka, taasi oo keenaysa in Gobolka Geeska Afrika uu xaqiijiyo isku filnaansho dhaqaale oo lagaga maarmo kaalmo shisheeye.

– DHAMMAAD –

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.