Heemaal News Network

Maxay ka Wada-hadleen Xassan Sheekh iyo Dhigiisa William Ruto (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkaas Mudane William Ruto.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, adkeynta xiriirka diblomaasiyadda, shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.

Xasan Sheekh ayaa gaaray maanta gaaray magaalada Nairobi halkaasoo uu kala qeyb-galayo Madaxda Caalamka Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada oo lagaga arrinsanayo dhibaatada xooggan ee caalamka ka soo food saartay dhanka cimilada, taasoo si gaar ah saameyn xooggan ugu yeelatay nolasha shucuubta dalalka soo koraya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya shirkan caalamiga ah ayaa soo bandhigaya saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee cimilada, isagoo muujin doona dadaalka ay dowladdu ku wajahayso abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi waxa uu kulammo la qaadan doonaa qaar ka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qeyb-galaya shirkan, si uu xoojiyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay qorshaha caalamiga ah ee ka hortagga isbeddelka cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xildhibaanno si Adag Uga Hadlay Habraacii wax ka Badelka Dastuurka Ee la Ansixiyay.

Heemaal

Kusimaha Madaxwaynaha Somaliya Oo Qaabilay Wafdi W/Arimaha Dibada Maraykanka.(Sawiro)

Heemaaln

Somaliya Oo soo Dhoweysay Go’aanka QM Ee Looga Hortagayo Islaam Nacaybka

Heemaaln