Heemaal News Network

Ra’isul Wasaare Xamse Oo Arrimo Muhiim ah kala Hadlay Sir Philip Barton (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda dowladda Britain oo uu hoggaaminayey Xoghayaha Joogtada ah ee Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Sir Philip Barton.

Kulanka ayaa waxay labada dhinac kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga faca-weyn ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo UK, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey Dowladda UK kaalinta ay ka qaadato dib-u-soo kabashada dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, isbeddelka cimillada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Dhankooda, wafdiga Mudane Philip Barton ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda soo dhaweynta diirran, iyagoo muujiyey sida ay u bogaadinayaan guulaha wax-ku-oolka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay gaareen muddadii la soo dhaafay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Somaliland Oo soo Dhawaysay Hadalkii R/W Itoobiya Ee Uu kaga soo Horjeestay Midnimada Somaliya

Heemaal

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Magacaabay Ergayga Fulinta Ballamihii Uu Qaaday…

Heemaaln

Xasan Sheekh Oo Safar kugu Baxaya Itoobiya iyo Xiisada labada dal Oo Wali Taagan

Heemaaln