Heemaal News Network

Somaliya iyo Hindi Oo Heshiis is Afgarad ah ka Gaaray Visaha Dal ku galka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqii ayaa la kulmay wafdi sare oo ka socday dalka Hindiya, oo uu horkacayay Dr. Sureh Kumar oo ah Xogheyaha wadaagga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Hindiya.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan iyada oo si gaar ah looga hadlay horumarrrada ay ku tillaabsatay Soomaaliya ee dhanka amniga iyo dhinacyada kale.

Kulankan oo ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen safiirka Soomaaliya ee dalka India Axmed Cali Daahhir iyo xubno ka socday wasaaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa aad loogu falanqeeyey dhibaatada muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku qabaan visaha dalka Hindiya oo ay u aadaan dalalka deriska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin ayaa ku baaqay adeegga visaha loosoo dhoweeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee caafimaadka iyo waxbarashada dalkaas u aada, loona keeno magaalada qunsuliyad ay ka dalbadaan visaha.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ex Raisul wasaae Geedi,Faarax Macalin Iyo Wufuud horleh Oo Garoowe ku soo Qul-qulaya

Heemaal

”Somaliland Maanta waa Haaf, Car Doorasho Qabtoo Banaanka Iskugukeen keena” Xisbiga Waddani

Heemaaln

Catriona Laing Oo Golaha Amaanka Ee Q/M Warbixin ka Siisay Xaalada Somalia

Heemaaln