Heemaal News Network

Qarax weyn Oo Lagu Weeraray Hotel SYL iyo Rag Hubeysan Oo Gudaha u Galay

Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhow abaare 9:40pm fiidnimo ka dhacay Hotelka SYL oo ku kaabiga ku haya xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Hotelka ayaa waxaa degan Wasiiro xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Somalia.

Qaraxa ayey wararku sheegayaan inuu geystay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo xawaare sare ku socday kaasoo jiiray baro Kontrol oo halkaas ku yaalla.

Qaraxa ka dib rag hubeysan oo ka tirsan Al shabaab ayaa la sheegay galeen hotelka gudihiisa halkaasoo ay ku dagaalamayaan iyaga iyo ciidamada amaanka lama oga illaa hadda khasaaraha waxaana aaga hotelka laga maqlayaa rasaas xoogan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Oofwareen Muxuu ina Guuxaa u Weerari Waayay Ee Oodweyne ka Doonay sow Qabyaalad may Ahayn “

Heemaaln

Booliska Somaliya Oo Lagu Wareejiyey Bur dhacay Oo Dekeda Muqdisho Laga soo Dejiyey(Sawiro)

Heemaaln

Somaliland Oo War kasoo Saartay Maydka Kale Oo Garoowe Lagu Sumeyay Iyo Baadhistii Xildhibaankii Maanta la Aasay

Heemaaln