Heemaal News Network

Guddi Somaliland u Xilsaartay Fulinta Heshiiskii Itoobiya Oo Qaaday talaabo cusub.(Sawirro)

Guddida Farsamo ee Somaliland u qaabilsan heshiiskii is afgarad ee Somaliland iyo Ethiopia, ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay madaxda xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID.

Kulamada guddidu la qaadatay hoggaamiyayaasha Axsaabta mucaaridka ayey ujeeddadoodu ahayd isxogwaraysi iyo talo urursi la xiriirta isfahamka dhex maray Somaliland iyo Ethiopia oo ay guddidani ku hawllan tahay hufiddiisa.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa si taxadar leh uga hadlay heshiiska Somaliland Itoobiya ku siineyso dhul badeedka, kuna bedelaneyso aqoonsiga, iyagoo sheegay iney sugayaan inta ay faahfaahin badan ka helayaan.

Heshiiskan ayaa u muuqda haatan mid buray oo cagta saaray wadadii fgashilka ka dib Dowlada Somalia oo heshiiskaas ka carootay ay Itoobiya kaga guuleysatay ololihii diblomaasiyada, taasoo ku riixday xukuumada Abiy Ahmed iney ka caga jiido fulinta heshiiska oo xiisad ka abuuray geeska Afrika.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Somaliya: “Heshiiska Somaliland & Itoobiya wuxuu ka Dhigan yahay Iclaamin Dagaal”

Heemaaln

Shacabka Muqdisho Oo Aragtiyo kala Duwan ka Dhiibtay Heshiiska ay Somaliya la Gashay Turkiga

Heemaaln

Wasiir Maxamed Cali “Inta wiil Somali ah Uu Noolyahay Taako ka Mid ah Badeena Laguma soo Xadgudbi karo“.

Heemaal