Heemaal News Network

Wasiirka Difaaca DF Oo Kulan Xasaasi ah la Yeeshay Ergeyga Gaarka Ee QM.(Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing iyo Wakiilka UNICEF Wafaa Siciid.

Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa adkeeyay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya siineyso ka hortagga tacaddiyada caruurta gaar ahaan askaraynta iyo xadgudubyada kale ee soo wajihi kara.

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Wakiilka hay’adda UNICEF ayaa dhankooda bogaadiyay dadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira ilaalinta xuquuqda caruurta.

Waxay sheegeen iney muhiim tahay sidii caruurta looga fogeyn lahaa askareynta iyo arrimaha ciidamada waxayna ku baaqeen in la xoojiyo shuruucda tilmaamaysa xuquuqda caruurta iyo joojinta howlaha uu sharcigu u diidayo.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka caruurta loogu adeegsado askareynta iyo dhinaca ciidamada, iyadoo marar badan heyadaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha au ku eedeeyeen dowlada iyo kooxda al shabaab iney caruur badan askareeyeen una adeegsadaan dagaalada.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Maydka Wiilkeyga ha la ii keeno…” Aabaha Dhalay Marxuum Xalay Lagu Dilay Muqdisho

Heemaaln

Qoysaska Ciidamada Xeebaha Awdal Oo Qaylo Dhaan ka soo Yeertay, Kadib Dagaalkii Laascaanood Baaqna u Diray Somaliland.

Heemaaln

Dowladda Soomaaliya: “Ma jirto Amni-xumo iyo Halis Badqab Oo ka jira Hawada.”

Heemaaln