Heemaal News Network

Alshabaab Oo Sheegtay In Ay Gacanta Ku Dhigeen Dayaarad Basaas Oo Laga Leeyahay Maraykanka

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta gacanta ku dhigtay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn, sida ay ku sheegtay qoraal ay soo saartay kooxda.

Diyaaraddan oo ah kuwa yar-yarka ah ee wax basaa basaasa, ayna kooxdu sheegin sida ay gacanta ugu dhigeen.

Diyaarada ayaa waxaa soo saartay Textron Systems oo ah shirkad fadhigeedu yahay dalka Mareykanka, sida ay muujiyaan sawiro ay baahisay kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in diyaaraddaas ay la yeehiin ciidanka Mareykanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo inta badan fuliya duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab.

Horay Al-Shabaab ayaa sidan oo kale gacanta ugu dhigay diyaarado milatari iyo kuwa kale oo ku dhacay deegaanadooda, kadib markii ay ku yimadeen cilado sababay inay soo dhacaan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Khasaaraha Dhimasho Ee Weerar Toorey Oo ka Dhacay Sydney Oo Kordhayiyo Ninkii..(Sawiro)

Heemaaln

Dowlada Somalia Oo Xanibtay Malaayiin dollar Oo ku Socday Al-Shabaab (Akhriso)

Heemaaln

Dowlada Somalia Oo Shaacisay howlgalo Lagu Laayey Shabaabkii Ugu Badnaa (Akhriso)

Heemaaln