Heemaal News Network

Deni Iyo Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Oo Garawe Ku Kulmay

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing ayaa magaalada Garoowe kulan albaabadu u xiran yihiin kula qaadatay madaxweyne Deni, kadib markii Puntland ay ku dhawaaqday inay la laabatay aqoonsigii dowladda federaalka.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta UNSOM ee Twitter- ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh dhismaha dowladnimada Soomaaliya oo ay ka mid tahay hannaanka dib u eegista dastuurka.

Madaxweyne Deni oo kasoo muuqday shir jaraa’id oo ay madaxtooyada ku wada qabteen isaga iyo wakiilka Qaramada Midoobay, wuxuu sheegay in ay Qaramada Midoobay la wadaageen go’aankii ay aqoonsiga ugala laabteen dowladda federaalka Soomaaliya.

Wakiilka Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa dhankeeda sheegtay inu madaxweynaha Puntlad uu u sheegay inay ka go’an tahay sii socoshada arrimaha dastuurka, si xal looga gaaro khilaafka hadda ka taagan wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka.

Imaatinkeeda Garowe ayaa kusoo beegmay saacado kadib markii ay golaha wasiirrada ee Puntland isku raaceen in kalsoonida lagala noqdo dowladda federaalka Soomaaliya.

Puntland waxay sheegtay inay u dhaqmayso sida dowlad madax bannaan, inta laga helayo dastuur Soomaaliyeed oo heshiis lagu yahay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Aabaha Dhalay Gabadhii la Gubay Oo Garoonka kaga Hortagay Eedeysanihii Gabadhiisa Dilay

Heemaaln

Somaliya Oo War-qad ku Aadan Fadhiga Looga Hadlayo Damaca Itoobiya U Dirtay Q/Midoobay

Heemaal

Xukuumadda Somaliya Oo Odayaasha Isaaq kala Hadashay Xadgudunka Itoobiya (Sawirro)

Heemaal