Heemaal News Network

Dawlada Itoobiya Oo Muwaadiniinteeda ka soo Daadgureyneysa Sacuudiga.

Itoobiya ayaa tobannaan kun oo muwaadiniinteeda daruufeysan ah ka soo celineysa dalka boortooyada Sacuudi careebiya.

Go’aankan oo Addis Ababa looga dhawaaqay todobaadkii hore ayaa la qorsheeyey in uu billowdo horraanta Bishan April, waxaana lagu wadaa mahaajiriin gaaraya 70,000 reer Itoobiyaha dalkooda lagu guryoceliyo.

Wasiiro Dowlaha Arrimaha Dibedda itoobiya, Birtukan Ayano ayaa sheegtay in hawlgalkan laguu soo daadgureynayo muwaadiniinta go’doonsan uu yahay kii 3-aad ee la fuliyo tan iyo 2018, iyadoo intaas ku dartay in mudnaanta la siinayo dadka tabaaleysan ee u baahan gurmad degdeg ah.

Inkasta oo dowladda Itoobiya aysan weli shaacin kharashka dhabta ah ee barnaamijkan ku kacayo, haddana Wasiir Birtukan waxay sheegtay in dadkaas loo diyaarinsayo wixii tas-hiilaad ah ee ay u baahan yhiin, sida saad, hooy iyo IWM.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Taliyaha Ciidamada Itoobiya “Dhulka Somaliya 60% Ciidamadeena ayaa Gacanta ku Haya.”

Heemaaln

Oromada Itoobiya Oo Dooratay Ugaas Dhaqameed Cusub

Heemaaln

Abiy Axmed Oo R/Wasaare ku xigeenka Ethiopia U Magacaabay Adam Faarax.

Heemaaln